Theo Hernandez Oo Iska Diiday Kooxaha Chelsea, Manchester City & Paris Saint-Germain’

0
346

Difaaca bidix ee AC Milan Theo Hernandez ayaa lagu soo waramayaa inuu iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxaha Chelsea, Manchester City ama Paris Saint-Germain.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo Ac Milan u dhaliyay 4 gool 5 kalena caawiye ka noqday 22 kulan oo uu ciyaaray.

Chelsea ayaa la rumaysan yahay inay Hernandez u calaamadsatay bedalka Ben Chiwlell xilli ay Man City iyo PSG yihiin kuwo si dhaw ula socda xaalada xiddiga reer france.

Si kastaba ha ahaatee sida laga soo xigtay Calciomercato, Hernandez ayaa doortay inuu iska diido kooxaha doonaya saxeexiisa isaga oo doorbidaya inuu heshiis cusub u saxeexo kooxda Ac Milan.

Wararka ayaa sheegaya inay kooxda Ac Milan qarka u saaran tahay inay heshiis cusub ka saxeexato xiddiga kaasoo qalinka ku duugi doona heshiis cusub oo shan sano ah.

Leave a Reply