Taliyeyaasha Booliska Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Ammaanka ka Wada Hadlay

0
603

Taliyaha Boolisku wuxuu soo kormeeray mashuura beeraha banka wajaale ee ciidanka booliska oo dalagyo badani ciidanka uga soo go’een

Qore: Faysal Xiis Afgaab

 

Wajaale(Dawan):-Taliyeyaasha Booliska Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,ayaa kulan xoojinta ammaanka ah ku yeeshay magaalo xuduudeedka Jawaale gaar ahaan dhanka Somailand.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto maxamed Aadan Saqadhi iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Sarreeye Guuto Maxamed Cali Xasan,ayuu kulankoodu ka mid yahay iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dawladood iyo isku xidhka ammaanka labada dal.

 

 

Kulankan labada Taliye Yeesheen ayaa ka qabsoomay dhinaca xuduuda Somaliland

Geesta kale  waxa kulankaas Taliyaasha ku wehelinaayey Safiirka Dawaladda Itoobiya u fadhiya Somaliland.

 

Labada Taliye ayaa ka wada hadley sidii loo xoojin lahaa ka wada shaqaynta Nabadgalyada iyo  iskaashiga labada Dawladood ee Dhinaca Ammaanka

 

Taliyaha Boolisku wuxuu soo kormeeray mashuura beeraha banka wajaale ee ciidanka booliska oo dalagyo badani ciidanka uga soo go’een,dalagyadaas oo wax badan ta tari doona dhanka isku filnaanshaha raashinka ee ciidanka booliska Somaliland

 

Leave a Reply