Wada-hadalkii Juventus iyo Dybala oo Burburay, Gunnimada ay Kooxdu Samaysay & Naadiyada Bilaashka ku Heli kara

0
364

Waxay u muuqatay in Paulo Dybala uu diyaar u yahay inuu heshiis kordhin u sameeyo kooxdiisa Juventus balse sida uu haatan sheegayo TyC Sports, xiddiga ree Argentina ayaa ka dhaqaaqi kara suuqa xagaaga sanadkan.

Dhawr bilood kahor, Dybala ayaa heshiis hordhac ah la meel dhigay Juventus balse waxay u muuqataa in xaaladu ay si lama filaan ah isku bedeshay.

Sida uu sheegayo TyC Sports, Juventus ayaa bedeshay qoddobadii ay hore ugula heshiisay Dybala taas ayaana dhalisay in ciyaaryahanku ka cadhoodo sida ay wax u socdaan.

Sida ay haatan xaaladu tahay, haddii aysan waxba isbedelin ayuu Paulo iskaga dhaqaaqi doonaa Allianz Stadium 30-ka bisha June marka heshiiskiisii hore dhaco.

Tababare Max Allegri ayay dhirbaaxo culus ku noqon kartaa inuu waayo mid kamida xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa gaar ahaan kaddib bixitaankii Cristiano Ronaldo.

Wadahadalada heshiis kordhinta ee Dybala ayaa ahaa kuwo soo bilaabmay kahor go’doonka Korona Fayras, intaas kaddib qaab ciyaareedka 28 sano jirkaas ayaa hoos u dhacay taas oo dhalisay in kooxdu ka gaabiso oo deg-deg uga hawl-gali waydo heshiiskaas.

Ugu dambayn labada dhinac ayaa xal gaadhay waxaanay u muuqatay in warbixin rasmi ah lagu shaacin doono heshiiskiisa cusub horraanta bisha dambe ee January marka suuqa qaboobuhu dhammaado.

Dybala ayaa u wareegi kara kooxo badan, tusaale ahaan labada kooxood ee Premier League ee mudada dheer lala xidhiidhinayay ayaa ah Man United iyo Tottenham.

Sidoo kale warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaysa in kooxda wakhtiga fiican ku jirta ee Inter Milan ay doonayso inay ka faa’idaysato oo qaab bilaash ah kula wareegto.

 

 

Leave a Reply