Xukuumadda Somaliland oo Farriin u Diryay Caalamka

0
322

Hargeysa (Dawan):-  – Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in abaaro ay ku dhufteen dad tirradoodu dhantahay 810,000 oo ku kala nool 6 gobol oo Somaliland ah.

Madaxweyne ku xigeenka oo u hadlayay guddi uu madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, u magacaabay gurmadka abaaraha, ayaa sheegay in abaaro ba’ani ay ku dhufteen deegaano kamid ah Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waxaanu halkan usoo joogsanay haddii aanu nahay guddidii gurmadka abaaraha in aanu ku dhawaaqno in abaartii meel adag marayso, kadib markii roobkii gugu uu teel teel ku ahaa qaybo kamid ah dalka”

Saylici ayaa sheegay in abaartu saamaysay dad hal-milyan ku dhaw oo ku kala nool lix gobol oo Somaliland ah.

Waxaanu yidhi.”Waxa dalka ka jirta xaalad abaareed oo saamaysay dhamaan gobollada dalka, sida Sool, Sanaag, Togdheer, Saaxil, Howdka Maroodijeex iyo Xeebta Gobolka Awdal, qiimaynta lagu sameeyay abaarta, waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya, 810,000 (sideed boqol iyo toban kun”

Waxaa kale oo Madaxweyne ku xigeenku uu farriin u diray beesha caalamka hay’addaha qaadhaan bixiyeyaasha iyo ganacsadatada Somaliland oo uu ku boorriyay in ay  ka qayb qaataan gurmadka samato bixinta dadka abaartu ku dhfatay.

 

Mudane Saylici oo ka hadlayay tallaabada koobaad ee ay xukuumaddu qaadayso iyo qarashka ay ugu talo gashay gurmadka ugu horreeya ee samato bixinta dadka iyo duunyada ayaa yidhi. “Haddaba si wax looga qabto xaaladdan, wax ay xukuumaddu qoondaysay kharash dhan $ 3,000,000 Milyan (Saddex Milyan oo Doolar) oo lagu talogay Raashin, biyo-dhaamis iyo kicinta ceelasha xumaaday.”

 

Leave a Reply