Tobanka Ciyaartoy ee ugu Mushaharka Badan Kubadda Cagta Sanadkan 2022

0
329

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa hoggaaminaya liiska tobanka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan kubadda cagta, waxaana uu qasnaddeeda u dhacay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo uu toddobaadkii ka qaato lacag gaadhaysa £960,000, taas oo haddii lacagta Yurub loo beddelo afka ka jaraysa 1 milyan oo Euro usbuucii.

34 jirkan oo xagaagii si bilaash ah ugu wareegay PSG kaddib 21 sannadood oo uu u ciyaarayay Barcelona, ayaa waxa uu xaqiijistay inuu sii ahaado ciyaartoyga ugu mushaharka badan adduunyada, iyadoo uu horena kooxda reer Spain booskaas oo kale ugaga jiray.

Labada sannadood ee uu heshiiskooda saxeexay, ayuu Lionel Messi u xaadiri doonaa £960,000 Gini.

Xiddigan dhowaan ku guuleystay markiisii 7aad abaal-marinta Ballon d’or, waxa kusoo xiga oo kaalinta labaad ugu jira saaxiibkiisa PSG ee Neymar Jr oo isaguna toddobaadkii mushahar u qaata £606,000 Gini, halka uu kaalinta saddexaadna soo cidhiidhsaday laacibka u lacagta doontay waddanka China ee Oscar oo £540,000 Gini toddobaadkii ka qaata kooxda Shanghai Port.

Gareth Bale oo dhawr bilood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa Real Madrid ayaa afraad ku jira, waxaana shanaad soo galay Kylian Mbappe oo PSG ah, halka uu Cristiano Ronaldo yahay ciyaartoyga lixaad ee ugu mushaharka badan dunida, waxaanay isku mid yihiin Kevin de Bruyne.

Halkan kaga bogo 10ka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan dunida:

  1. David de Gea (Manchester United): £375,000 – toddobaadkii
  2. Philippe Coutinho (Barcelona/Aston Villa): £380,000 – toddobaadkii
  3. Eden Hazard (Real Madrid): £381,000 – toddobaadkii
  4. Kevin De Bruyne (Manchester City): £385,000- toddobaadkii
  5. Cristiano Ronaldo (Manchester United): £385,000 – toddobaadkii
  6. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain): £410,000 – toddobaadkii
  7. Gareth Bale (Real Madrid): £528,000 – toddobaadkii
  8. Oscar (Shanghai Port): £540,000- toddobaadkii
  9. Neymar (Paris Saint-Germain): £606,000- toddobaadkii
  10. Lionel Messi (Paris Saint-Germain): £960,000 – toddobaadkii

Leave a Reply