Maroodiga Srilanka oo u dhimanaya cunista Qashinka Caagagga ah iyo Bacaha

0
440

Ilaaliyeyaasha iyo dhakhaatiirta xoolaha ayaa ka digaya in qashinka caagga ah ee lagu daadiyo meel bannaan oo bariga Sri Lanka ah uu dilayo maroodiyaasha gobolka, ka dib markii laba kale oo meyd ah la helay todobaadkii hore.

Ku dhowaad ​​20 maroodi ayaa dhintay siddeedii sano ee la soo dhaafay kadib markii ay qashin caag iyo baco u badan ay ka cuneen qashin qubka tuulada Pallakkadu ee degmada Ampara, oo qiyaastii 210 kilomitir (130 mayl) bari ka xigta caasimada Colombo.

Baadhitaanno lagu sameeyay Maroodiyada dhintay ayaa muujiyay in ay liqeen balaastiig aad u badan oo aan la deefshiidi karin kuwaas oo laga helo qashinka, ayuu yidhi dhakhtarka xoolaha duurjoogta Nihal Pushpakumara.

“Polythene, bacaha cuntada, caagadaha, kuwa kale ee aan dheefshiidi karin iyo biyaha ayaa ahaa waxa kaliya ee aan ku arki karno dhimashada ka dib, cuntada caadiga ah ee maroodiyadu cunaan oo ay dheefsadaan ma muuqan,” ayuu yidhi.

Maroodiga waxaa laga xushmeeyaa Sri Lanka laakiin sidoo kale dabar go’o ayuu ku socdaa. Tiradoodu waxay hoos uga dhacday14,000 kun oo ay ahayd qarnigii 19aad iyo 6,000 kun oo ay noqotay tiradoodu sanadkii 2011.

Aad bay u nugul yihiin sababta oo ah deegaankoodii dabiiciga ahaa oo lumay iyo xaalufka. Qaar badan oo ka mid ah waxay ku dhiiradaan in ay u dhowaadaan meelaha ay dadku deggan yihiin si ay cunto u raadsadaan, qaarna waxaa dilaa ugaadhsatada ama beeraleyda oo ka cadhooday burburka ay gaadhsiiyaan dalagyadii ay beertaan.

Maroodiga gaajaysan ayaa u qadhaabsi taga meelaha qashinka lagu shubo,iyaga oo cuna baco iyo sidoo kale walxaha fiiqan ee waxyeeleeya hab-dhiska dheefshiidka, ayuu yidhi Pushpakumara.

” Markay waxyaabahaas cunaan Maroodiyadu wuxuu joojiyaan cuntada oo aad bay u daciifaan. Marka taasi dhacdo, ma cuni karaan cunto iyo biyo, taas oo soo dedejisa geeridooda,” ayuu yidhi.

Sannadkii 2017, dawladdu waxay ku dhawaaqday inay dib u warshadayn doonto qashinka ku urursan meelaha u dhow aagagga duur-joogta si looga ilaaliyo maroodiga inay cunaan qashinka caagga ah. Waxa ay sidoo kale sheegtay in xayndaab danabaysan laga dhisi doono hareeraha goobaha si xoolaha looga fogeeyo. Laakiin midkoodna si buuxda looma hirgelin.

Waxaa jira 54 qashin ah oo ku yaal aagagga duurjoogta ah ee dalka, iyada oo ku dhawaad ​​300 oo maroodi ah ay wareegayaan agtooda, sida ay saraakiishu sheegeen.

Goobta lagu maamulo qashinka ee tuulada Pallakkadu waxaa la dejiyay 2008dii iyada oo gargaar laga helay Midowga Yurub. Qashin laga soo ururiyey sagaal tuulo oo u dhow ayaa lagu daadiyaa halkaas balse aan dib loo warshadayn.

Sannadkii 2014-kii, dayr danabaysan oo goobta ilaalinayay ayaa waxaa ku dhacay danab, mas’uuliyiintuna waligood ma dayactirin, taas oo u oggolaanaysa in maroodigu gudaha u galaan oo ay dhex maraan qashinka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in maroodigu ay u soo dhawaadeen oo ay degeen meel u dhow godka qashinka, taasi oo cabsi ku abuurtay dadka tuulada ku dhow.

Leave a Reply