Somaliland Oo Geedka Garan-waaga Dhuxul Ka Soo Saaraysa

0
209

Qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa mashruuca sidee ayaa geedka garan-waaga Dhuxul looga samayn karaa? Oo ay waddo wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo isbaddalka Cimillada ee Somaliland Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa afartii bishan January tababar lagaga hadlaayo ka faa’iideysiga geedka Garanwaagga u furay qaar ka mid ah ganacsatada Dhuxusha keena.

Tababarkani oo socday mudo afar maalmood ah ayaa lagaga wadatashan doonaa sidii geedka Garanwaaga Dhuxul looga dhalin lahaa, isla markaana loo bad-baadin lahaa dhirta kale ee manaafacaadka leh.

Cabdikariin Aadan Cadde, agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimillada ee Somaliland oo tababarkaasi furay ayaa sheegay in faa’iido weyn ay ugu jirto dalka iyo dadka ba in geedka Garanwaaga looga faa’iidaysto dhuxul ahaan si ay dhirtii kale ee manfaca lahayd u nabad galaan.

Agaasimaha guud waxa uu intaas ku daray in adeegsiga geedkani uu bad-baado u yahay guud ahaan nolosha dadka iyo duunyada, isla mar ahaantaana ay dhiirigelinayaan sidii geedkaasi uu noqon lahaa ka qudha ee dhuxusha dalka laga shido.

Waxaanu yidhi, “Wasaaradda degaanku waxay dedaal dheer ugu jirtay, muddo aad u dheer sidii loo joojin lahaa ama loo yarayn lahaa, ama loo beekhaamin lahaa Dhuxusha. Maadaama oo isha ay ka soo baxdaa ay tahay dhirteenii Damaladda ahayd, ee  dalkeenu uu lahaa, oo Galloolku uu ugu horeeyo, oo xaalufin iyo dabar-goyn badani uu ku socdo. In badan ayaynu arrintaasi ka qaylinay.

Mashruucani waxaa qayb ka ah, iyadoo haayadda UNDP na ay nala shaqaynayso, waxay wasaaradda degaanku dedaal dheer u gashay, sidii loo heli lahaa wixii lagu bedeli lahaa Dhuxusha.

Mashruucani waxaa qayb ka ah in aynu soo saarno Gir-gireyaal dhawr nooc ah, oo xataa aynu gaadhnay hudheeladii waaweynaa. Waxaanay wasaaradu qayb ka qaadatay in 50% hoos loo dhigo cashuurta Gaasta ee dalka soo gasha, oo cashuur dhaaf loo sameeyo”.

C/kariin Aadan Cadde, waxa kaloo uu sheegay in ay ka wasaarad ahaan sidii loo heli lahaa qorshe ah in dhirta manaafacaadka leh ee dalka oo si xun loo dabar-goynayo loo bad-baadin lahaa.

Sidaas darteedna ay is-waydiiyeen maxaan hoos ugu dhigi karnaa isticmaalka Dhuxusha? Iyadoo markaa ka dibna ay u soo baxday in geedka loo yaqaano Garan-waaga oo ah geed aanu dalkeenu asal ahaan u lahay in laga dhaliyo Dhuxul.

“Waxa kaloo aan is waydiinay maxaan hoos ugu dhigi karnaa isticmaalka Dhuxusha? Geedka aynu u naqaano Garanwaaga, ma aha geed uu dalkeenu asal u lahaa. Waa geed sodomeeyo sanadood ka hor dalkeenna la keenay. Iyadoo markaa malaha wax-tar laga filayay. Laakiin se, wuxuu noqday geed aad iyo aad u tarran badan, oo wax-tarkii laga doonayay ay ka badatay inuu waxyeelo gaadhsiiyo dhirtii kale ee uu dalkeenu lahaa”ayuu yidhi agaasime C/kariin Aadan cadde.

Geedka loo yaqaano Garan-waaga oo sodonkii sanadood ee u danbeeyay uun si weyn ugu fiday dhulka Somaliland ayaa ah geedka keliya ee ay wasaaradda deegaanku ogoshahay in la jarro.

Kaasoo ay u aragto in aanu wax faa’iido ah u lahayn dadka, duunyadda iyo xataa deegaanka, sida uu sharaxayo agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland, waxaanu yidhi, “Geedka Garanwaagu, wuxuu ka mid yahay dhirta keliya ee ay wasaaradda deegaanku ogoshahay in la jarro. Jaritaankiisiina wuxuu keenayaa khasaare. Waxaanu markaa is waydiinay, maadaama uu isba (Garanwaaga) uu geed weyn yahay, dalkiina uu aad u qabsaday, miyaan laga Dhuxulaysan Karin?

Shirkeenan maanta (afartii bisha) qayb buu ka yahay arrinkaasi ah sidii Garanwaaga Dhuxul looga dhalin lahaa. Dhawrka cisho ee aynu halkan (tababarka) joogno, waxaynu ku barran doonaa, sidii looga faa’iidaysan lahaa geedka Garanwaaga. Waxaan rejaynayaa inuu tababarkani noqdo mid manfac leh, oo dhamaanteen ba aynu ka wada faa’iidaysano”ayuu yidhi C/kariin Aadan Cadde.

Geesta kale agaasimaha guud ayaa ugu baaqay bulshada ka faa’iidaysanaysa tabobaraasi inay ku dhaqmaan aqoonta ay helaan. Waxaanu yidhi, “Waxa kaloo aanu fariin u diraynaa cid walboo ay khusayso oo reer Somaliland ah, in farro baas lagu hayo dalkii iyo deegaankii. Inuu culays fara badani jiro, goboladda dalkoo dhan, degmooyinka iyo tuullooyinka ba.

Qaylo-dhaanta ugu badan ee wasaarad ahaan na haysataa waxa weeye, gaadhi Dhuxul ah oo la qabtay, geed la goynayo. Iyadoo weli dadkii dalkan lahaa ay qayb weyn ka qaadanayaan xaalufinta iyo goynta dhirta”.

C/kariin Aadan Cadde, ayaa u mahad naqay qaybaha kala duwan ee ciidamadda milateriga iyo booliska Somaliland oo uu sheegay in ay si weyn ugala shaqeeyaan la dagaalanka Dhuxulaysiga. “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqaynaa ciidamadda booliska, iyo qarranka ee Somaliland oo qayb weyn ka qaata la dagaalanka Dhuxulaysiga.

Waxa kaloo iyag na aan halkan uga mahad naqaynaa, waaxda gar-soorka ee qaranka, oo iyaguna runtii aad noogala shaqeeya la dagaalanka jarista dhirta iyo Dhuxulaysiga. Badhasaabyadda goboladda dalka, iyo maayarrada, iyo cid kastoo ka qayb qaadata hawl galkaasi xoogga leh, ee hadh iyo habeen ba aanu ku jirno” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka iyo is bedelka cimiladda Somaliland.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Cabdi Abokor Yuusuf, oo ka tirsan saraakiisha UNDP oo iyadu mashruucaasi gacan ka siinaysa wasaaradda degaanka Somaliland.

Waxaanu sheegay in tabobarkani uu ku saabsan yahay sidii geedka Garanwaaga looga faa’ideysan lahaa dhuxusha dalka lagu adeegsado, isla mar ahaantaana ay ugu badbaadi lahaayeen dhirta kale ee waddanka ee hadda dhuxusha dalka lagu shito laga sameeyo.

Dhinaca kale agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda Deegaanka iyo isbaddalkii Cimillada Caydaruus Ismaaciil Muuse, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay mashruucani la doonayo lagaga faa’iidaysto geedka garanwaaga.

 

Leave a Reply