Mid ka mid ah Tabobareyaasha ugu Magaca Weyn Premier League oo Shaqada laga Caydhiyey

0
338

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa shaacisay inay shaqada ka caydhisay tababaraheedii Rafa Benitez oo xagaagii dhowaa uun loo magacaabay shaqada, isla markaana 19 ciyaarood oo horyaalka ah oo kali ahi hoggaamiyey.

Qoraal kooban oo ay Everton soo saartay ayay ku sheegtay, in tababaraheedii kooxda koowaad uu ka tegay shaqada kaddib natiijooyin niyad-jab ah oo ay Toffees kasoo hoysay kulamadeedii horyaalka ee xilli ciyaareedkan, isla markaana ay u dhaadhacday kaalinta 16aad ee miiska kala-sarraynta.

Boodhka maamula Everton ayaa kulan degdeg ah la isugu yeedhay kaddib guul-darradii musiibada lagu tilmaamay ee ay kala kulmeen kooxda ugu hoosaysa horyaalka Premier League ee Norwich City oo Sabtidii ku garaacday 2-1.

Go’aanka shaqo ka caydhinta Benitez ayaa yimid kaddib markii kooxda laga badiyey sagaal ciyaaarood 12kii kulan ee ugu dambeeyey taas oo sababtay inay 19 dhibcood oo kaliya ka haystaan 19 ciyaarood oo Premier League ah oo ay dheeleen.

Tababaraha reer Spain ayaa xagaagii qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood iyo badh ah, waxaana uu waqtigiisu kusoo dhamaaday lix bilood gudahood.

War-saxaafadeedka shaqo ka caydhinta ee Everton ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubadda cagta Everton waxay xaqiijinaysaa inuu tegay Rafael Benitez oo ahaa tababaraha  kooxda koowaad.

“Benitez waxa uu kusoo biiray Everton June 2021, waxaanu ku tegay heshiis la gaadhay. Warbixinta rasmiga ah ee cidda beddelaysa dib ayaanu idinkala wadaagi doonaa.”

Everton Football Club can confirm the departure of Rafael Benitez as first team manager.

Kaddib guul-darradii Norwich City, taageere cadhaysan ayaa gudaha garoonka ugusoo galay Rafael Benitez oo doonayay inuu la dagaallamo, waxaana ka qabtay ciidamada ammaanka ee ku sugnaa garoonka.

Taageereyaasha Everton ayaa bishii June waxay sameeyeen mudaharaad iyagoo diiddanaa in uu tababare u noqdo Benitez maadaama uu hore uga  tirsanaan jiray Liverpool oo ay col yihiin oo uu Champions League u qaaday.

Leave a Reply