Ujeedada Wada-hadallo ay Kooxda PSG la Furtay Laacibka Kylian Mbappe

0
299

Xiddiga Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo heshiis kordhin ah kula jiro kooxda PSG sida ay sheegayaan ilo wareedyo badan oo ay ka mid tahay RMC Sport.

Xiddiga reer France ayaan doonayn in uu ka boxo wadahadalada waxaanu doonayaa inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda PSG sida laga soo xigtay wargayska Telegraph.

Real Madrid ayaa wali bartilmaameed u ah xiddiga Mbappe iyada oo ay Los Blancos xiddiga ku qancinayso in uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda PSG.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa lagu soo waramayaa in uu wadahadalo kula jiro iyada oo kooxda PSG ku rajo weyntahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga bilaha soo socda.

Mbappe ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 18 gool 15 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply