Somaliland; Miisaaniyadda 2022/2023: Gorfayn iyo Gaasa-Bixin

0
2727

 

Sida qaab-dhismeedka maaliyadeed iyo qiyamka dawliga ahiba tibaaxayaan, hannaanka diyaarinta Miisaaniyada Guud ee Qaranku waa mid ku qotonta Xeerar laga soo dheegay dastuurka waddanka oo ay weheliyaan lifaaqyo siyaaso-dhaqaale kuwaasi oo jaangoynaya isla jeerkaasna koobaya warbixinno dhammeystiran oo iftiiminaya qoondooyinka waaxaha dhaqaale ee kala duwan iyo dheefta waax waliba ku yeelanayso mashaariicda horumarineed ee laga maalgalinayo Miisaaniyadda, iyadoo dabcan lagu ladhayo deegaan-mashruuceedka iyo qarashka hawl socodsiinta. Dhammaan arrimahani waxay saldhig u yihiin isirrida daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo dawlad-wanaagga aynu raadcadeeda ku jirno.

Iyada oo la tixraacayo axdi-qarameedka dastuurka jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 55aad farqadiisa 1aad, iyo xeerka Maamulka Maaliyadda ee Xeer No. 75/2016, waxa waajib ah in waziirka wazaaradda horumarinta maaliyadda oo ah daadiyaha iyo u-qaybsanaha dawladda ee nidaamka maaliyadeed uu horgeeyo golaha fulinta iyo golaha sharci dajintaba habraaca ay yeelanayso miizaaniyad sanadeedka qaranku sannad waliba bishiisa koowaad.

Sida ku cad hagaha miizaaniyad sanadeedka 2022/23, dhinacyada ay sida tooska u taabanayso waxa ugu shilis; 1.  Miisaaniyadda Dawladda Dhexe (Kor-u-kac 11% ah) 2. Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa-banaan (kor-u-kac 12% ah)  3. Miisaaniyadda Dawladaha Hoose (kor-u-kac 44% ah) 4. Miisaaniyada Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee ay maalgeliyaan wadamada Deeq bixiyeyaashu (kor-u-kac 10% ah) 5. Miisaaniyadda Mashruuca Maamul-daadejinta (kor-u-kac 58% ah) 6. Miisaaniyadda Mashaariicda Bangiga Aduunka (hoos-u-dhac -19% ah) 7. Miisaaniyadda Mashruuca GIZ. Iyo, 8. Miisaaniyadda Mashruuca Iled. Qodobadani waxa ay jaantus u yihiin rukunnada madhaafaanka ah ee sawirka guud inaga siin kara nooca dhaqaale iyo dawlad wanaag ee uu ku suntanaan doono sanadka 2022/23 hadii si wadaniyad iyo naf-hurnimo ku dheehantahay loo maareeyo looguna hagar baxo.

Wadarta Miisaaniyada sannadka 2022/23 waa 3,447,802,505,538 SLSH (Sadex tiriliyan, afar bilyan iyo todoba iyo afartan, siddeed milyan iyo laba, shan kun iyo shan, shann boqol iyo siddeed iyo soddonkun oo shilinka Somaliland ah) marka doolar ahaan loo badalana qiyaas ahaan noqonaysa $405,623,824 ( afar boqol iyo shan milyan, lix boqol iyo sadex iyo labaatan kun, sideed boqol iyo afar iyo labaatan doolar). Celcelis ahaan wadaagayaasha ay ka koobnaan doonto miizaaniyadda 2022/23 mid walba waxa ku yimid kor-u-kac, haba ugu badnaato miizaaniyada mashruuca maamul daadajinta dawladaha hoose (JPLG) oo uu ku yimid kor-u-kac dhan 58%. Geesta kale, sida ka muuqata miizaaniyadda dawladda dhexe oo ah 2,410,452,894,335 SLSH (laba tiriliyan,afar boqol iyo toban bilyan, afar boqol iyo laba iyo konton milyan, sideedkun iyo afar iyo sagaashan,sadex boqol iyo shan iyo soddon oo shilinka Somaliland ah) waxa ay ka badan tahay tii hore qaddar dhan 243,452,429,535 slsh (laba boqol iyo sadex iyo afartan bilyan, afar boqol iyo lab aiyo konton milyan, afarkun iyo sagaal iyo labaatan, shan boqol iyo shan iyo soddon kun oo shilinka Somaliland ah). Waxa la filayaa Sannadka 2022 in dakhligu kordho 15%, ayada oo sababaha korodhkana ay ugu wayn yihiin Cashuuraha an tooska ahayn ee Badeecadaha soo dega iyo Cashuuraha saaran Badeecadaha iyo Adeega (GST), kor u kaca Badeecadaha soo dega iyo Fulinta siyaasada GST ayaa la filayaa in dakhli buuran ka soo xaroodo Sannadka 2022 .

Si guud, qorshaha maaliyadeed ee ay gadhwadeenka ka tahay wasaarada maaliyaddu,  miizaaniyada 202/23 waxa ugu mudan hindiseyaasha ay ka midka yihiin; 10% Cashuur Dhimista Raashinka Quutul-Daruuriga ah si loo xaddido saamaynta taban ee uu sadhadda Covid-19 ku keenay quutal daruuriga iyo maciishada, isku dheeli tirka Dakhliga iyo kharashka Taas oo macnaheedu yahay in miisaaniyadda 2022/23 lagu sargooyo Dakhliga dhabta ee la filayo Sannadka 2021, kor u qaadida saamiga ay Cashuuraha berrigu ka yihiin Dakhliga guud iyada oo xooga la saari doono sal-balaadhinta Qeybaha Cashuuraha Berriga (Tax Base), adeegsiga tiknoolajiyadda, yareynta wakhtiga iyo talaabooyinka cashuur bixinta, fulinta ganaaxyada iyo ciqaabaha cashuur diidka, Diiwaan-galinta dhamaan Cashuur Bixiyayaasha iyo dhaqan galinta Cashuuraha Adeega iyo Alaabta ee (GST-da).  Ilaalinta iyo kobcinta waxsoo-saarka gudaha, Diyaarinta Aagga loogu talo galay Warshadaha (industrial Zone), Kaydka ku -talo galka Dhacdooyinka lama filaanka (Contingency fund), iyo qaar kale oo laga dheehan karo dhiganaha miisaaniyada 2022/23.

Miisaaniyadda dawladda ee 2022, sida ku cad Shaxda 13aad ee dhiganaha miisaaniyadda, kharash-galka waxa loo leexiyey meelaha la is leeyahay waxay door weyn ka geysanyaan Horumarka iyo Baahiyaha Aasaasigaa ee Bulshada sida: caafimaadka (6.10%) oo u dhiganta 147,156,537,981 SLSH, Waxaanu muujinayaa korodh ah 32.22%, Ammaanka (35.69%) oo u dhiganta 860,210,281,946 SLSH muujinayana korodh dhan 13.43%, Biyaha (1.96%) una dhiganta 47,346,196,061 Sl/Sh, waxsoosaarka (2.61%) oo u dhiganta 62,825,604,564 Sl/Sh waxaanu tilmaamayaa korodh ah 12.53%, Waxbarashada (8.62%) una dhiganta 207,834,914,751 SL/Sh wuxuu muujinayaa korodh ah 7.07%, Dhaqaalaha (13.89%) una dhiganta 334,727,745,337 Sl/Sh waxaanu muujinayaa hoos u dhac ah -5.80%. Walow ay wali jirto isu-dheellitirnaan la’aan halka qoondaynta ah (Sectoral Allocations), hadana mandiqada aynu ku naalno oo ay ku gadaamantahay ma hubanti halka xasilloonida ahi waa muhiim in aminiga iyo difaaca qaranku uu mar walba ahaado unug muhiim inoo ah, kharash-galka miizaaniyadda sannadkanna waxa uu ka yahay 35.69%, taas oo kuu muujinaysa in Amnigu Miisaaniyadda guud ka yahay sadex meeloodow meel.

Dhanka kale, Wadaagayaasha Dhaqaalaha, Maamulka, Waxbarashada, iyo Caafimaadku waxay kharash-galka Guud ka yihiin 47.93%, halka ay Wadaagayaasha Biyaha, Deegaanka, Tamarta, Kaabayaasha Dhaqaalaha, Wax-soo saarka iyo Qaybaha kale ka yihiin 16.38%. Geesta kale markaad ka joogsato, kharashaadka ay u badan yihiin mushaharooyinka iyo hawl socodsiintu waxa ay Miisaaniyadda Guud ka yihiin in ka badan kala badh 52.67% taas oo ina tusaysa in kala badh Miisaaniyadda Dowladdu ku baxayso Mushaharooyin iyo gunnooyin, haddii dhimaal iyo gunti-giijis lagu sameeyo waa qaar aqbali kara in loo wareejiyo unugyo kale oo ka muhiimsan intii suurta gal ah (Budget Virements/Transfer).

Guud ahaan, 98% Dakhliga guud ee dawladdu waxa uu ka iman doona Kastamada iyo Cashuuraha Berriga, halka 2% uu ka iman doono Wasaradaha iyo Haya’ddaha kale ee dawladda. Saamiga ugu badan waxa uu ka iman doonaa Kastamada oo u dhiganta 1,856 Trillion SLSH (78%) halka cashuuraha Berrigu ka yihiin 20% oo u dhiganta 488 Billion SLSH. kastamka Berbera ayaa ah kan dakhliga ugu badan ka soo xaroon doono Miisaaniyada kastamada 2022 (65.6%), halka Kastamka Kalabaydh oo ah kastamka labaad ee ugu dakhliga badan laga filayo 21.4% saamiga dakhliga kastamada. Sidoo kale, kastamada Saylac iyo Madaarka Hargeisa ayaa laga filayaa 6% iyo 2.2%.

Guntii iyo gabagabadii, Miisaaniyadda 2022/23 waxa lagu saleeyay  mabda’a ah in aan la kordhin kharashyadaa kor ku xusan ayadoo laga duulayo siyaasaddii gudiga miisaaniyadda & xaaladda dhaqaale ee waddanka oo aan qaadi Karin kharashaad intaas ka badan. Mashaariicda Dowladda, Dhismayaasha iyo Iibsiga hantida Raagtaa waxay Miisaaniyadda 2022 yihiin 14.61%, halka Deymaha, kharashka lama filaanka, iyo Kaalmooyinka qeybaha kale ee Dowladda ka yihiin Miisaaniyadda 6.82%.

 

W/Q; Abdisamad Mohamed Farah

Abdisamadfarah57@gmail.com

+252-634864466

Leave a Reply