Hargeysa (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay joojinayso wadahadallada u dhexeeyey maamulka Soomaaliya, haddii ay ku sii socdaan midho-dhal la’aanta ay ku toban jirsadeen, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibada Ciise Kayd oo shalay waraysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacada Codka Maraykanka (VOA).
Wasiir Kayd, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey qodobadii ay kaga wada hadleen madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Reysal-wasaare Abiy Axmed Cali kulankii ku dhex maray magaalada Addis ababa todobaadkii la soo dhaafay, waxaanu tilmaamay inay Itoobiya si weyn u danaynayso inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.
Md. Ciise Kayd Maxamuud waxa kale oo uu ka jawaabay mowqifka xukuumadda Somaliland ee dooddii ay Baarlamanka Ingiriisku kaga hadleen qadiyada madaxbanaanida JSL iyo hadal ka soo yeedhay Wasiirka dalkaasi u qaabilsan arrimaha Afrika oo muujisay dareen lagu tilmaamay inuu ka hooseeyo xaqiiqada saaxiibtinimada qotada dheer ee labada dal.
Wasiirku isagoo ugu horayn arrimaha kulanka madaxda Itoobiya iyo Somaliland sharaxaad ka bixinaya waxa uu yidhi “Safarkaasi wuxuu ahaa mid ku yimi martiqaad rasmi ah oo uu madaxweynuhu ka helay raysalwasaaraha dalkaasi. madaxweynaha iyo reysalwasaaruhu way ku kulmeen, waxaanu ka wada hadlay danaha labada dal oo ay kamid yihiin, ganacsiga, nabad-gelyada, iskaashiga dhaqaalaha, isticmaalka dekedda Berbera, isu-dheeli-tirka ganacsiga labada dal oo hore itoobiya ayuunbaa wax inaga iibin jirtay, markaa waxaanu ka wada hadalnay sidii aynu wax uga iibin lahayn. sida khayraadka Badda Milixda iyo Kalluunka.
waxa kale oo aanu ka wada hadalnay in aanu joogtayno kulamada labada dhinac iyo in aanu samayno guddiyo heer wasiir ah, Itoobiya-na waxay hadda doonaysaa inay xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland”
Wasiir Kayd, waxa uu soo dhaweeyey, talaabo lagu diirsado oo miisaan lehna ku micneeyey dooddii ay mudaneyaasha Baarlamanka dalka UK ku soo bandhigeen qaddiyada aqoonsiga Somaliland “hawshaasi waa howl aad iyo aad u muhiim ah, xildhibaanada ka doodayey waxay ka koobnaayeen saddex xisbi ee dalkaasi ugu waaweyn, waxa bogaadin mudan wakhtiga dheer ee laga doodayey, mudaneyaashaasi aadbay xogogaal ugu ahaayeen qadiyada iyo taariikhda Somaliland, waxaanay si’ qoto dheer u muujiyeen inay tahay JSL dal mudan in la aqoonsado. dhayal maaha in fagaare noocan oo kale ah qadiyadda Somaliland lagu soo bandhiggo, Baarlamanka Ingiriiskuna wuxuu kamid yahay baarlamaanada ugu waaweyn adduunka”
Hase yeeshee waxa uu arrin lala yaabo oo ay waayo-aragnimo siyaasaddeed iyo xogoggaalnimo ka maqan tahay ku tilmaamay haddalka ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha Afrika u qaabisal dawladda Ingiriiska Mrs Vicky Ford oo fal-celin aan miisaan lahayn ku qaabishay doodda Baarlamanka dalkeeda “Dawladda Ingiriisku waa dawlad aanu xidhiidh wanaagsan la leenahay. Haweenayda u qaabilsan UK, Afrika qoraalkeeda waxa ka muuqatay khibrad yaraan siyaasaddeed, xogoggaal la’aan iyo faham la’aan siyaasaddeed. baarlamankii ayaad arkaysay inuu ka baaraan-degay oo uu shiilay qadiyaddan Somaliland, markaa haddana dawladda UK hawlo badan ayaa noo socda oo ganacsigu kamid yahay” – “waad ogtahay shirkad la yidhaahdo PIE inay lacag dhan saddex boqol iyo labaatan malyuun oo doolar($320,000,000) gelisay dekedda Berbera”
Geesta kale, Wasiirka arrimaha dibadu waxa uu daaha ka qaaday inay Dawladda Somaliland wax ka bedelayso mowqifkeeda ku wajahan wadahadallada Soomaaliya, isla markaana ay ka saarayso qorshaha siyaasaddeeda, waxaanu meesha ka saaray in aqoonsiga Somaliland wax kaga xidhan yihiin maamulka Xamar.
Waxa uu cadeeyey in natiijo laga gaadhi waayey wadahadallada tan iyo markii ay bilaabmeen sanadkii 2012-kii, waxaanu yidhi “Wadahadalladaasi waxay soo bilaabmeen 2012-kii ilaa hadda wax midho-dhal ahi kama soo bixin shirarkii kala duwanaa ee wadamada kala gedisan lagu qabtay, waanu joojinaynaa wadahadallada (Soomaaliya) kol haddii aanay qolada Soomaaliya diyaar u ahayn in laga gun-gaadho” – “midna in la ogaado ayaa muhiim ah “Soomaaliya wax aqoonsi ah oo ay Somaliland u haysaa ma jirto oo kaga xidhan, waayo? soddon sanno ayaanu dawlad ahayn keligayo”
Hadalka