Arsenal oo Laba Dalab Rasmi ah ka Heshay Saxeexa Aubameyang

0
247

Wargeyska The Atletic ayaa daboolka ka qaaday in Arsenal ay dalab rasmi ah ka heleen saxiixa weeraryahankooda Aubameyang.

Aubameyang ayaa ka baxay qorshayaasha macalin Arteta ka dib dhibaatooyin dhanka anshaxa ah oo keenay in laga fogeeyo shaxda asaasiga kooxda weliba laga xayuubiyo calaamadda kabtinimo.

Sida wargeyskaas uu sheegayo,Arsenal ayaa dalab rasmi ah ka heshay Barcelona iyo Juventus kuwaasi oo laacibkaas ku doonaya qaab amaah ah.

Lama oga in Arsenal ogalaadeen dalabkaas xilli la ogsoon yahay in wiilkaan reer Gabon uu iska diiday dhawaan kooxda Alhilal ee Sacuudiga.

Aubameyang waxa uu Arsenal xilli ciyaareedkana u saftay kaliya 15 kulan dhamaan tartamada halka uu dhaliyay 7 gool iyo laba caawin ah.

Leave a Reply