Calum Chambers oo Markii u Horreysay Sharraxay Sababta uu uga Tegay Arsenal

0
480

Difaaca reer England ee Calum Chambers ayaa sharraxay sababtii uu uga tegayo kooxdiisii Arsenal kaddib markii uu heshiis rasmi ah u saxeexay Aston Villa oo xalay usoo bandhigtay tijaabada caafimaadka.

Aston Villa ayaa si lama filaan ah waxay xalay usoo bandhigtay Chambers oo xidhan dharkeeda, isla markaana qalinka ku duugay heshiis saddex sannadood iyo badh ah, taas oo soo afjartay siddeed sannadood oo uu joogay Emirates Stadium oo uu kaliya saftay 122 ciyaarood.

27 jirkan ayaa markii uu ka degay magaalada Birmingham ee ay ka dhisan tahay Aston Villa waxa uu sharraxay sababtii uu uga tegay Arsenal ee uu ugu wareegay Aston Villa, waxaana uu amaan u jeediyey safka tababare Steven Gerrard.

Chambers oo la weydiiyey sababta uu ugu soo wareegay Aston Villa isaga oo ka yimid Arsenal, waxa uu ku jawaabay: “Tani waa koox weyn oo waqti wanaagsan ku jirta.

“Halkani waa meel aad u xiiso badan oo ku wanaagsan in la joogo, qof walbaana taas banaanka ayuu ka arki karaa. Waxyaabaha halkan ka dhacayana waxa hubaal ah inay jihada saxda ah ku socdaan. Xataa fikir igama qaadanin in aan kusoo biiro kooxdan weyn, wixii wanaagsanaa ayaanan sameeyey.”

Chambers ayaa waxa uu kusoo biirayaa Aston Villa laba toddobaad  kaddib markii ay Villa Park yimaaddeen Philippe Coutinho oo amaah kaga soo wareegay Barcelona laakiin ay Aston Villa si rasmi ah u iibsan karayso dhamaadka xilli ciyaareedka sida uu dhigayo heshiiska ay Barca wada gaadheen iyo Lucas Digne oo uga yimid Everton.

Aston Villa oo toddobaadkan horraantiisii 1-0 ku garaacday Everton ayaa kaalinta 11aad kaga jirta horyaalka Premier League, waxaanay toban dhibcood ka dambaysaa Arsenal oo kaalinta lixaad fadhida.

 

Leave a Reply