Nin in ka badan 70 sano Darawal ahaa oo aan Liisan iyo Caymistoona lahayn

0
581
Taxi Driver with Car Isolated Cartoon Character. Happy Cab Driver Standing near Car, Showing Thumbs Up Flat Illustration. Transport Booking. Chauffeur in Uniform. Auto Rental Design Element

Nin ay booliisku ku joojiyeen magaalada Nottingham ee Ingiriiska ayaa u sheegay askarta inuu darawal ahaa in ka badan 70 sanno isla markaana uu baabuur ku waday ruqsad la’aan iyo caymis.

Arrintan oo Booliiska la yaabeen ayaa waxay dhacday Arbacadii ka dib markii Saraakiisha oo roondo caadiga ah ku jiray  ay darawalka ku jira da’dii 80-meeyadii ay ka qabteen meel baabuurta la dhigto oo suuq laga dukaamaysto ah (Supermarket). Ninkan oo dhashay sannadkii 1938-kii, ayaa u sheegay in aanu haysan liisanka baabuur-wadidda iyo caymis toona uuna sidaa baabuurta ku waday tan iyo markii uu 12-sano jir ahaa, tan iyo xilligaasna uu iska ilaalin jiray in ay booliisku joojiyaan.

Saraakiisha booliiska Nottinghamshire ayaa sheegay  in ninkani uu watay baabuur yar oo laba albaab leh isaga oo ku sugnaa meel u dhow Tesco Extra Bulwell oo Nottingham ah fiidnimadii Arbacadii, iyaga oo weydiiyey sharcigiisa.

 

Hadal ay Facebook ku soo qoreen saraakiisa  ayey ku yidhaahdeen “Ma rumaysan karno markii aanu la kulanay darawalkan oo dhashay 1938 (!!), uu ku hadlay inuu waday baabuur Liisan la’aan iyo caymis. tan iyo markuu ahaa 12 jir ah…..oo ay si uun ugu suurtagashay in aanay waligiis boolisku joojin.

“Wuu ku nasiib badan yahay in aanu waligii shil gelin, qofna dhaawac u geysan, waligiisna aanu qofna dhaqaale ka lumin oo aanu caymis u baahan!”

Ninkan ayaan xitaa sumada gaadhigiisa laga helin Waxay ku dareen: “Sababtoo ah kamaradaha ANPR ee Aqoonsiga lambarka ee Nottingham, kumanuu fekerin in la qaban doono.

Wadista bilaa shatiga ah waxa lagu mutaa ciqaab u dhaxaysa saddex ilaa lix nooc ciqaabeed, taas oo ku xidhan nooca dembiga. Waxa kale oo ay dammaanad qaadi kartaa ganaax aan xad lahayn haddii darawalku aanu lahayn caymis.

Booliisku waxay awood u leeyihiin inay qabtaan baabuurta aan caymiska lahayn. Kiiskan, saraakiishu ma aanay sheegin ciqaabta ninkan lagu xukumayo balse waxa ay si maldahan u sheegeen in laga yaabo in uu gurigiisa u sii lugeeyo. Taas oo loo jeedo in baabuurka laga dhigo. Magaciisa lama sheegin, balse sawirka baabuurkiisa ayaa lala wadaagay dadka.

Leave a Reply