Erling Haaland oo Saadaaliyay Saddex Kooxood oo ku Guulaysan Kara Champions League

0
572

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Haaland ayaa magacaabay saddex kooxood oo ugu cad-cad ku guulaysiga koobka champions League xlli ciyaareedkan.

Bisha dambe ayaa la ciyaari doonaa wareega 16-ka champions League iyada oo kooxaha ku hadhay ay ku tartami doonaan koobka iyo wareegyada ka hadhay tartanka.

Haaland ayay kooxdiisu ku hadhay wareegii Group-yada tartanka sidaas darteed waxa wax laga waydiiyay in uu magacaabo kooxaha uu u arko in ay ku guulaysan karaan kooba xilli ciyaareedkan.

Waxa tartanka ku hadhay kooxo waaweyn oo taariikh ku leh koobka sida Real Madrid, Liverpool, Man United chelsea iyo kooxo kale kuwaas oo marar badan ku guulaystay koobka.

Erling Haaland oo ka jawaabaya kooxaha ku guulaysan kara champions league xilli ciyaareedkan ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in ay kooxaha Man City, PSG ama Real Madrid ku guulaysan doonaan champions League”.

 

Leave a Reply