Ousmane Dembele oo Bedalay Go’aankiisii ku Wajahnaa Mustaqbalka Barcelona

0
513

Ousmane Dembele ayaa qarka u saaran inuu mustaqbalkiisa u hibeeyo Barcelona, ​​inkastoo toddobaadyo la isla dhex marayey mustaqbalkiisa.

Wakiilada xiddiga reer France Moussa Sissoko iyo Marco Lichsteiner ayaa la kulmay tababaraha Barca Xavi Hernández si uu u muujiyo rabitaankiisa ah inuu ka sii mid ahaado kooxda Catalan, sida laga soo xigtay Sport.es.

Kulanka, Sissoko iyo Lichsteiner ayaa Xavi u sheegay in ay Dembele ka go’antahay in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo mashruuca kooxda Barcelona waliba uu ku faanayo in uu yahay xiddig Barcelona ah.

Dembele ayaa haatan u muuqda mid qalinka ku duugi doona heshiis cusub iyada oo kooxda iyo wakiilada xiddigu wadahadalo cusub wada qaateen saacadihii la soo dhaafay.

Xiddiga reer France ayaan ciyaarin labadii kulan ee ugu dambeeyay iyada oo kooxdu ganaaxday xiddiga kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

 

Leave a Reply