Donny van de Beek oo Macasalaameeyey United iyo Kooxda Premier League ee uu ka Degayo

0
262

Xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek ayaa soo gabogabeeyey 17 bilood oo uu ku dhibaataysnaa Old Trafford oo uu kursiga kaydka ku jiray, waxaana uu maanta ka xidh-xidhay shandaddiisa isaga oo u wareegaya koox kale oo horyaalka Premier League ka dhisan.

Donny van de Beek oo Manchester United ay kasoo iibsatay Ajax ayaan fursad la siinin muddadii uu joogay Old Trafford, hase yeeshee Axadda maanta ayaa la filayaa inuu dhamaystiro heshiis amaah ah oo uu kaga baxayo Red Devils.

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa la sheegay inay heshiis la gaadhay Donny van de Beek iyo kooxdiisa Manchester United, waxaanu illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dheeli doonaa Goodison Park.

Sida uu qoray wargeyska The Guardian, kooxda Crystal Palace ayaa si adag  u doonayaysay Donny van de Beek balse waxa dalab macquul ah la timid Everton oo daalaa-dhacaysa, balse la  filayo inuu tababare u noqdo Frank Lampard maalmaha soo socda.

Kubbad-sameeyaha heerka caalami ee reer Netherlands oo uu kursiga kaydka ku hayay Ole Gunnar Solskjaer ayaanu Ralf Rangnick isbeddel ku samaynin, waxaana uu ugu dambayntii dalbaday in inta ka hadhay xilli ciyaareedka uu tago koox uu fursad ka  helayo.

Leave a Reply