Tabobarihii Shaqada laga Caydhiyey Markii uu Beddelay Ronaldo oo Hadlay

0
544

Vanderlei Luxemburgo ayaa shaqadiisa waayey markii uu beddelay Ronaldo oo waqtigaas u ciyaarayay Real Madrid xataa iyadoo kooxdu guuleysatay. Xilli-ciyaareedkii 2004/05 ayay Real Madrid tababare u magacowday Vanderlei Luxemburgo oo u dhashay waddanka Brazil, balse kuma sii raagin shaqada waana la caydhiyey.

Vanderlei Luxemburgo ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu kaga  sheekeeyey sidii ay Real Madrid shaqada uga caydhisay, waxaanu yidhi: “Waxa aanu garaacnay Getafe, laakiin waxa ciyaartaas casaan la naga siiyey David Beckham. 1-0 ayaanu ku badinaynay, waxaanan daqiiqaddii 90aad saaray Ronaldo. Hal ciyaartoy ayaa lana dheeraa, caadiyanna waanu arki karaynay in aanu badinayno. Taageereyaasha ayaa bilaabay inay nagu mudaharaadaan markii aan beddelay Ronaldo.

“Garoonka ayaan ka baxay, waxaanan galay tuunalka (waddada lasii maro qolka  labbiska ee garoonka ka baxda), waxa aan gaadhay albaabka. Florentino Perez ayaa hoos usoo dagay oo halkaa igula kulmay.

Waxa uu igu yidhi ‘Mudane, maxaa dhacay?’ Waxaan ugu jawaabay waxba ma dhicin. Wuxuu igu yidhi: ‘Maxaad u beddeshay Ronaldo?’.

“Waxa aan ku idhi, madaxweyne waynu guuleysanaynay ciyaarta. Aniguna kama walaacsani taageereyaasha, waxaan se ka walwalsanahay Barcelona. Waxa aan doonayaa in aan soo qabto.”

Intaa markii la isweydaarsaday, waxa iska cadhaysiiyey Luxemburgo oo dareensanaa in shaqadiisii lagu soo faro-gelinayo, waxaanu ku yidhi Florentino Perez: “Madaxweyne, aan wax kuu sheego: Anigu kama helo sidan, aad ayaanay u badan tahay (farogelinta). Anigu kuma aanan weydiisan in aan halkan imaado, adiga ayaa yimid Brazil oo isoo shaqaalaysiiyey. Waxa aan halkan u imid waa in aad adigu timid Brazil oo aad shaqada isiisay, markaa shaqadayda ayaan qabsanayaa. Maalintii xigtay, shaqada waa la iga caydhiyey.

Leave a Reply