Somaliland: “Ma Ogtahay Ubadka Dhaxantu Cidlada ku Heyso

0
434

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan) Haddaad hoy ka leedahay dhaxantana hu dugsoon ka haysato ubadkaagana midkasta ka daryershay dhaxanta. Ma ogtahay in ubad Hargeysa kugula nool ay dhaxantu cidla ku heshay oo cirkuna buste u yahay dhulkuna gogol u yahay.

Ubadka Darbi jiifka ah iyo dadka xannuunka dhinirku hayo ee bukan socodka dayacan ahiba cidd ay sugayaan ee u maqan ALLE na ku eegayaa waa innaga.

Habeenadii u danbeeyay qabowga magaalada Hargeysa ka dhacayay maaha mid ciddina u adkeysan karto.

Mar kasta waxaan ka cabanaa abaaro iyo roob la.aan ALLENA wuxuu ina faray in aan isu naxariisano oo isu damqano markaan isu naxariisano ee nugulkeena aan noloshooda ka war hayno ayuu RABBI inoo naxariisanayaa.

Hadaba aan u damqano ubadkeena darbi jiifka ah ee dhaxanta barafka ahi ay ku da.ayso ee aynu hoyga ka galnay ubadkeenana ka daryeellay. Waxaa kale oo u baahan in aan u gurmano dadkeena dhimirka ka xanuunsanaya ee dibed wareegga ah ee ALLE innagu eegayo.

Xasuusnaw in caafimaadka iyo adduunka aynu hayso midna aynaan ku keenin xeelad aynu leenahay iyaguna aanay kunwaayin balse ay tahay masuuliyad iyo imtixaan ALLE inagu eegayo.

Xadiis saxeex ah oo Rasuulkeenna Suubban SCW ka sigan ayuu Nebigu SCW sadex jeer ku celiyay “walaahi in aanu mu.min ahaun.”

Saxaabidii oo yaabban ayaa tidhi kassi hoogye waa ayu.?wuxuu ugu jawaabay waa ka dhergay ee jaarkiisuna gaajoonayo.

Maxaaf u malayn umad dheregtay oo dadkiii maskaxda ka xanuunsanayay iyo carruurtiaa darbi jiifka ahi ay ku dhex dayacan tahay.

Haddaba innagoo nafaheena ugu nasteexaynayna aan ubadka derbi jiifka ah iyo dadka maskaxda ka xanuunsanaya u damqano oo dhaxanta aan hoyga gudihiisa ku xami la.nahay uga gurmano

ILLAAHEY ayaa isku keen wada eegaya walaalayaal, aan is caawino, aan isu gar’gaarno, aan iskaalmeyno, isuna danqamo kana farxino walaalaheena wakhtigu ciilayna aan garab istaagno.

Fadhiga halooga kaco oo haloo gurmado ubadka yar yar iyo dadka xannuunka maanka qabba.

Tijaar, culimo xukuumad, asxaab qaran iyo guud ahaan bulshadaba xil baa innaga wada saaran imikana noloshoodu waxay ku jirtaa halis haddaynaan u gurman na geeri ayay qarka u saaran yihiin iyo in ay dhaxan u dhintaan

 

 

 

Leave a Reply