Golaha Wakiillada ee Somaliland oo ansixiyay xeerka ilaalinta xuquuqda carruurta.

0
232

Hargeysa (Dawan) – Mudanayaasha golaha wakiilada ee Somaliland ayaa ansixiyay xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta ee xeer lanbar 102/2021, oo ay maalmihii u dambeeyay ay ka doodayeen.

Fadhigii maanta ee Golaha wakiillada ee Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiyaha golahaasi mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa waxay gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta ee Somaliland. Fadhigaasi oo ay soo xaadireen 56 mudane ayaa waxa ogolaaday xeerkaasi 46 mudane, cid ka aamustay ma jirin, halka ay diideen 9 mudane, guddoomiyuhuna ma codeyn, sidaana waxa ku ansaxay xeerka ilaalinta xuquuqda caruurta ee Somaliland.

Xeerkan la meel mariyay maanta ee Ilaalinta xuquuqda caruurta ee Somaliland oo ka kooban 39 qodob, ayaa waxa qodobadiisa ka mid ah, mas’uuliyadda guud ee ilaalinta xuquuqda caruurta ee Somaliland waxa u xilsaaran dawladda.

Geesta kale, guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ku wargeliyay mudanayaasha golahaasi inay guda geli doonaan toddobaadka soo socda xeerka caymiska shirkadaha oo horyaallay golaha wakiillada ee Somaliland, isagoo ku booriyay guddoomiyaha goluhu mudanayaasha inay soo akhriyaan xeerkaasi.

Leave a Reply