Dawladdaha Hoose oo La Barayo Xuquuqda Muwaadinka

0
425

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ayaa shalay tababar saddex cisho socon doona u furtay 11 ka mid ah Dawladdaha Hoose ee dalka.

Tababarkan oo ku saabsan barashada xuquuqda uu leeyahay muwaadinku iyo waajibaadka xuquuqeed ee laga rabo qof muwaadinka ah (Civic Education), taasoo ah arin muhiim ah laguna barto xuquuqda nuwadinka iyo wadaniyada guud ahaanba.

Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Cabdirashiid Xirsi Cali, ayaa si rasmi ah u furay tababarkan, isaga oo kula dardaarmay maamulada dawladdaha hoose, in ay gaadhsiiyaan bulshada cilmiga ay halkan ku baranayaan, isaga oo ka hadlay agaasimaha Guud muhiimada ay leedahay wadaniyadu iyo in qofkastaaba barto xuquuqdiisa muwaadinnimo ee uu leeyahay iyo ta waajibka ku ah muwaadinka ee laga rabo in uu ilaaliyo.

Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Xuseen Maxamuud Jiir iyo Cabdiraxmaan Iidle oo ka socday hay’adda UNICEF, ayaa iyana hadalo muhiim ah halkaas ka jeediyey kuwaas oo ku saabsanaa barashada wadaniyada.

.

 

 

 

 

Leave a Reply