Man City oo ku Dhawaaqday Saxeexa Xiddig Laf-dhabar ah oo Cimrigiisa u Hibeeyey Etihad Stadium

0
303

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku dhawaaqday heshiiska xiddig halbowle ah oo cimrigiisa ciyaareed u hibeeyey Etihad Stadium, kaas oo qalinka ku duugay heshiis uu kooxdan kaga mid ahaanayo illaa sannadka 2027.

Difaaca midig ee reer Portugal ee Joao Cancelo ayaa Manchester City u saxeexay heshiis cusub oo uu kula sii joogayo shan sannadood oo kale, kaas oo sare u qaadaya mushaharkiisa iyo gunnooyinka uu ka helo kooxda.

Laacibkan oo bishii hore uu tababare Pep Guardiola kula dul dhacay amaan badan, ayaa waxa qandaraaskiisa  hore soconayay illaa sannadka 2025 isaga oo mushahar u qaadanayay £80,000 Gini, hase yeeshee waxa hadda lagu sii kordhiyey laba sannadood oo kale iyadoo mushaharkiisuna kordhay.

Joao Cancelo oo Manchester City ay xagaagii 2019 kasoo bixisay £60 Milyan oo Gini oo ay kagala soo wareegtay Juventus, ayaa markii uu heshiiska cusub saxeexay waxa uu yidhi: “Heshiiskan cusub waxa uu ka dhigan yahay, in aan hadda dhamaystiray yoolkaygii aan ku horumarinayay ciyaartayda, koobab badanna aan ugula  guuleysan lahaa kooxdan.

“Ciyaartoyda Manchester City waxay haystaan wax kasta oo ay u baahnaayeen, sida adeegyo cajiib ah, xiddigo heer-caalami ah iyo tababare hore noo riixa maalin kasta.

“Ma jirto meel ka wanaagsan Man City oo laga ciyaari karayo, farxad ayaanay ii tahay in aan halkan ka shaqeeyo. Waxa aan doonayaa in aan wax badan ku guuleysto ka hor inta aanan ka fadhiisanin ciyaaraha, Man City ayaana isiinaysa fursadda ugu fiican ee aan ujeeddooyinkayga ku gaadhayo.”

 

Leave a Reply