Shir Wasaarada Ciyaaraha uga Furmay Magaalada Berbera

0
540

Berbera (Dawan): Wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa shalay furay shirka dib u eegista waxqabadka wasaaradda ee sanadkii 2021-kii iyo diyaarinta qorshe-hawleedka sanadkan 2022-ka.

Shirkaasi oo ka furmay magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil waxaa wasiirka ciyaaraha C/rashiid Ducaale Qambi, ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/rashiid Caydiid Yaasiin.

Qaar ka mid aha agaasime waaxeedyadda wasaaradda ciyaaraha, guddiga Olympic-kada, xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha iyo isu-duweyaasha wasaaradda ciyaaraha ee goboladda dalka oo dhan.

Shirkaasi oo socon Donna muddo saddex maalmood ah waxaa si rasmiya u furay wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Cabdirashiid X. Ducaale Qambi, oo ku bogaadiyey sida quruxda badan ee loo soo qaban-qaabiyey.

Waxaanu wasiirku guul weyn ku timaamay in maanta hal meel la isugu yimaado oo laga wada hsdlo Waxqabadka Wasaaradda DHalinayarada iyo Ciyaaraha ee sanadkan 2022.

Wasiir Qambi, oo furitaanka shirkaasi ka hadley ayaa sheegay in ay noqonayso markii u horaysay oo shir noocaasi ah lagu qabto magaaladda Berbera.

Waxaanu wasiirka la qayb galeyaasha Lula dar-daarmay in ay kobciyaan aqoontoodda.

“Waa markii ugu horeysey oo shir noocan oo kale ah lagu qabto magaalada Berbera. Waxaanan shaqaalaha ku dar-daarayaa inay aqoontooda kobciyaan” ayuu yoshi wasiir Qambi.

Geesta kale agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, ayaa isna u mahad celiyay soo qayb galeyaasha shirkaasi, oo qaarkood ay yimaadeen meelo fog fog.

 

 

 

 

 

Leave a Reply