Xaddiga Dhaqaalaha ay Kooxaha Premier League Suuqa Galiyeen Bishii January

0
414

Kooxaha premier League ayaa dhamaystay suuqii January ee 2-aad ee lacagta ugu badan la galiyay kadib markii uu xalay suuqa kala iibsigu si Rasmi ah u furmay.

Kooxaha premier League ayaa suuqa galiyay lacag dhan 295 milyan oo euro iyada oo Tottenham lacagta ugu badan galisay suuqa maalintii ugu dambaysay suuqa.

Guud ahaan 12 kooxood ayaa suuqa ku mashquusalanaa maalitii ugu dambaysay iyada oo suuqa January noqday midkii 2-aad ugu lacagta badnaa kadib 2018 markaas oo suuqa la galiyay 430 milyan oo euro.

Kooxaha premier League ayaa maalintii ugu dambaysay suuqa January galisay lacag dhan 70 milyan oo euro.

Lacagta dhan 150 milyan oo euro waxa suuqa galiyay kooxaha ku jira 10 kaalin ee ugu hooseeya horyaalka premier League iyada oo ay ka mid yihiin 5-ta kooxood ee ugu hooseeya ee Everton, Norwich, Newcastle, Watford & Burnley.

Liverpool ayaa samaysay saxiixa ugu weyn January premier League kadib markii ay 45 milyan oo euro kula soo wareegtay xiddiga Luis Diaz.

Leave a Reply