Man United oo Siddeed Ciyaartoy ku Weyday Suuqii Iibka Ciyaartoyda ee January

0
303

Ralf Rangnick ayaa ku guul-darraystay in uu hal ciyaartoyna kusoo kordhiyo kooxdiisa suuqa xalay xidhmay ee bishii January, halka uu lumiyey siddeed ciyaartoy oo kooxdiisa koowaad iyo da’yarta iskugu jira oo ka baxay Red Devils.

Inkasta oo lala xidhiidhiyey ciyaartooyo badan, haddana Manchester United kuma aanay guuleysanin in ay lasoo saxeexato ciyaartoydii bartilmaameedka u ahaa.

Markii uu tababare Ralf Rangnick xilka qabtay, waxay warbaahinta Ingiriisku sheegtay in sababaha ay kooxdu ula soo saxeexatay ay ka mid yihiin in uu ka caawiyo sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen ciyaartooyo waaweyn, sida Erling Haaland oo ay xidhiidh dhow leeyihiin, halka ciyaartoyga koowaad ee imanaya Old Trafford na lagu tilmaamay Amarou Haidara oo u ciyaara RB Leipzing oo ku negaaday kooxdiisa iyo Denis Zakaria oo isaga u wareegay Juventus.

Xagaagii waxay Manchester United in ka badan £100 milyan oo Gini kasoo bixisay Cristiano Ronaldo, Jadon Sancho iyo Raphael Varane, laakiin Ole Gunnar Solskjaer kama aanay badbaadinin in shaqada laga caydhiyo, waxaanu ka baxay Old Trafford bishii November.

Tababaraha sida ku-meelgaadhka ah u beddelay ee Rangnick oo illaa bisha June xilkahaynaya, waxa uu ku faro-adaygay Jesse Lingard, kaddib markii ay dhawr ciyaartoy ka tageen, isla markaana xabsiga loo taxaabay Mason Greenwood.

Lingard oo uu heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka ayay kooxdu go’aansatay in ay sii haysato maadaama ay jirto baahi ciyaartoy isla markaana ay awoodi waayeen inay lasoo saxeexdaan xiddigihii u calaamadsanaa.

Laakiin waxa ka tegay Anthony Martial oo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ka baxay, waxaanu amaah illaa dhamaadka xilli ciyaareedka ah kusoo qaadan doonaa kooxda reer Spain ee Sevilla.

Waxa kale oo ay Manchester United amaah ku bixisay Axel Tuanzebe oo kasoo laabtay Everton balse ay u dirtay Napoli maadaama aanu helaynin boos uu ka ciyaaro oo difaaca dhexe ay joogaan shan ciyaartoy oo kale, sida Maguire, Varane, Bailly, Lindelof iyo Jones.

Da’yarka reer Ivory Coast ee Amad Diallo ayaa amaah ku tegay kooxda reer Scotland ee Rangers oo uu ku maqnaan doono illaa bisha June.

Ciyaartoyga muddada la  sugayay in mustaqbalkiisa meel la saaro waxa uu ahaa Donny van de Beek oo xalay u wareegay Everton oo uu amaah ugu ciyaari doono.

Liiska ciyaartoyda ka tegay Manchester United:

Donny van de Beek (Everton, amaah), Amad (Rangers, amaah), Axel Tuanzebe (Napoli, amaah), Anthony Martial (Sevilla, amaah), Teden Mengi (Birmingham City, amaah), Ethan Laird ( Bournemouth, amaah), Reece Divine (Walsall, amaah), Matej Kovar (Burton Albion, amaah).

Leave a Reply