Waa Maxay Sababta ay Arsenal Lacag La’aan ugu Fasaxday Pierre-Emerick Aubameyang?

0
598

Kooxda Arsenal ayaa weeraryahankeedii iyo kabtankeedii hore ee Pierre-Emerick Aubameyang u ogolaatay in uu qaab xor ah ugu biiro kooxda Barcelona.

Gunners ayaa xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang u ogolaatay in uu bilaa lacag ugu biiro kadib markii ay Kansashay heshiiskii uu kula jiray kooxda.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ahaa xiddiga ugu mushaharka badan kooxda isaga oo todobaadkii u xaadiri jiray lacag dhan 350 kun oo Gini todobaadkii.

Markii hore Barcelona ayaa doonaysay in ay qaab amaah ah kula wareegto xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang inta ka dhiman xilli ciyaareedkan laakiin Barcelona ayaa doonaysay in ay Arsenal bixiso qayb ka mid ah mushaharkiisa.

Laakiin Arsenal ayaa diiday in ay bixiso qayb ka mid ah mushaharka xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang taas oo markii hore sababtay in ay wadahadaladu bur-buraan waliba xiddigu ku dhawaaday in uu ku soo laabto Emirates.

Si kasta ha ahaatee Arsenal ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay go’aasantay in ay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ku fasaxdo lacag la’aan waliba kansasho heshiiskiisa si ayna kooxdu u bixin qayb ka mid ah mushaharkiisa taas oo keentay in uu qaab toos ah ugu biiro Barcelona

Leave a Reply