Xanuunada Ruuxda Iyo Qalbiga Asiiba!

0
801

Xanuunada nafsaaniga ee ku dhaca dadka waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah istusnimada iyo inuu qofku jeclaado inuu caan noqdo. Rasuulka Allah (scw) xadiis ayuu ku yidhi “ Camalka yar ee istuska ahi waa sharki, ka colaadinaya Awliyada Allah wuxu Allah (sw) ugu soo banbaxay dagaal. Allaha (sw) wuxu jecel yahay kuwa wanaagsan ee ka cabsada ee qarsoon. Kuwa hadii ay maqan yihiin aan la tebin, haddii ay yimaadaana aan la garan.  Qalbiyadoodu waa sida faynuusyada oo kale oo meel kasta ka saaraya mugdiga” .

Islaamku aad ayuu uga soo horjeeda istuska iyo islaweynida.

Rasuulka Allah (scw) ayaa xadiis kale ku yidhi :” Diintaada ka dhig mid daacad ah waxa kugu filaan doona camal yar” .

Waxa qofka muslinka ah la gudboon in camal kasta oo uu qabanayo in Allah (sw)  dartii u sameeyo.  Xadiis:” Qofka muslinka ah ee beera geed ama daaq, shimbirtii iyo qofka wax ka cunaba waxa ugu jira sadqad”, Waana marka uu Allah dartii u qabto beeristiisa. Niyadda wangaasan ayaa loo baahan yahay mar kasta oo aad hawl qabanayso iyo inaad ula jeedo Allah dartiis ee aanay ka ahayna halagu amaano ama istus aadcaanimo ku raadinayso.

 

 

 

Leave a Reply