Ciyaartoyga reer Faransiis ee Benjamin Mendy Oo Xukun Lagu Riday

0
392

Difaaca reer France ee Benjamin Mendy ayaa lagu riday xukun kaddib markii lagu helay inuu ku kacay falal isku-day kufsi ah iyadoo maanta lasoo gabogabeeyey dhegaysiga dacwaddiisa.

Benjamin Mendy oo 27 jir ah ayaa ku eedaysnaa in uu toddoba jeer hablo kala duwan kula kacay isku-day kufsi, waxaana ku jirtay inan yar oo ay da’deedu tahay 16 jir.

Xiddiga Man City oo toddobaadyadii ugu dambeeyey dibedda ku joogay damaanad kaddib saddex bilood oo uu jeelka ku jiray, ayaa waxa maanta la horkeenay maxkamadda, waxaana lagu riday xukun aan waqtigiisa la shaacin laakiin ah in lagu helay inuu ku kacay iskuday kufsi.

Patrick Thompson oo aha xaakimka  kiiska laacibkan gacanta ku hayay ayaa si lama filaan ah jeelka uga sii daayay Mendy bishii hore, isaga oo ka reebay baasaboorka, sidoo kalena loo sameeyey qalab lagu xidhay oo lagula socdo dhaq-dhaqaaqiisa.

Laakiin maanta  ayaa dib loo horkeenay maxkamadda waxaana la shaaciyey in ay ku caddaadeen dambiyadii loo haystay ee ahaa iskudayga kufsiga.

Muddadii koobnayd ee uu dibedda joogay waxay maxkamaddu ku amartay in aanu dhinacna u dhaafin gurigiisa ku yaalla Cheshire ee uu ku iibsaday £4.8 milyan oo Gini.

Warbaahinta ayaa sugaysa inay hesho faahfaahinta xukunka lagu riday Benjamin Mendy iyo inta sannadood ee uu xidhnaan doono.

Manchester City ayaa hore u sheegtay in Mendy ay ka xayirtay kooxdeeda inta uu ku socdo kiiskan, laakiin ma aanay sheegin in ay burburisay heshiiskii ay kula jirtay.

 

 

 

Leave a Reply