Liverpool Oo Laba Xiddig Ka Saartay Liiska Ciyaartoydeeda Ay U Gudbisay Premier League & Sababta Oo La Sharraxay

0
605

Kooxda kubadda cagta Liverpool ma awoodi doonto in ay u gudbiso maamulka Premier League tirada ciyaartoydeeda 25ka ah, qaybta dambe ee xilli ciyaareedka kaddib markii lasoo gabogabeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January.

Liverpool ayaa £49 milyan oo Gini waxay FC Porto kagala soo wareegtay garabka weerarka xulka Colombia ee Luis Diaz, hase yeeshee waxay ku guul-darraysteen in ay maalintii ugu dambaysay soo xero-geliyaan Fabio Carvalho oo daqiiqadihii ugu dambeeyey ka hor intii aanu suuqi xidhmin ay burbureen wada-hadalladii ay kula jireen Fulham.

Sidaas darteed, waxay kooxda Fulham amaah kaga qaadatay Liverpool difaaca dhexe ee Neco Williams, halka Nat Phillips uu isaguna amaah ku tegay kooxda kale ee heerka labaad ee Bournemouth.

Labada ciyaartoy ee baxay waxay yareeyeen tirada ciyaartoyda Liverpool u diiwaangashan ee ay Premier  League uu u ogol yahay, sida uu dhigayo sharcigu, kaas oo ah in kooxda kaliya loo ogol yahay 17 ciyaartoy oo ajanabi ah, halka siddeeda hadhayna laga doonayo inay noqdaan ciyaartooyo waddanka u dhashay.

Jurgen Klopp waxa uu xagaagii magacaabay oo uu Premier League u gudbiyey 24 ciyaartoy, waxaana ku jiray 17 ciyaartoy oo ajaanib ah, halka toddobada da’yarta ahna  ay jireen ciyaartoyda da’da yar ee ay amaahda ku direen ee Sheyi Ojo, Ben Davies iyo Ben Woodburn.

Nat Phillips oo hadda ka baxay kooxda, waxa uu ka mid ahaa toddobada ciyaartoy ee kasoo baxay kulliyadda ee liiska da’yarta ugu jiray, waxaana uu hadda ka tegay naadiga, taas oo ka dhigan in 23 ciyaartoy ay haystaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Sidaas oo ay tahay, Jurgen Klopp kuma  dhacayso ciyaartooyo yaraan, sababtoo ah waxa uu haystaa ciyaartooyo badan oo ay da’doodu ka yar tahay 21 jir oo aan uga baahnayn in uu u gudbiyo Premier League si loogu diiwaangeliyo.

Curtis Jones, Harvey Elliott iyo Rhys Williams ayaa ka mid ah kuwa aan looga baahnayn diiwaangelinta, waxa kale oo uu isticmaali karaa Kaide Gordon, Tayler Morton iyo Conor Bradley.

Dhinaca kale, imaatinka Luis Diaz ayaa waxay ka dhigan tahay, inuu haysto 18 ciyaartoy oo ajaanib ah ama uga yimid dibedda, waxaanu ku qasban yahay in uu liiska ciyaartoydiisa ka reebo mid ka mid ah ciyaartoydiisa.

Tababaraha reer Germany ayaa la sheegay in uu mar horeba go’aan ku gaadhay ciyaartoyga uu ka tegayo, kaas  oo noqonaya Loris Karius oo xagaaga si bilaash ah uga tegaya kooxda.

Liiska ciyaartoyda Liverpool ee qaybta dambe ee xilli-ciyaareedka 2021/22:

Goolhayeyaal: Alisson, Adrian, Caoimhin Kelleher (HG).

Difaacyahano: Virgil van Dijk, Ibrahima Konate, Joe Gomez (HG), Kostas Tsimikas, Andy Robertson, Joel Matip, Trent Alexander-Arnold (HG).

Khadka dhexe: Fabinho, Thiago Alcantara, James Milner (HG), Naby Keita, Jordan Henderson (HG), Alex Oxlade-Chamberlain (HG).

Weerarka: Roberto Firmino, Sadio Mane, Mohamed Salah, Takumi Minamino, Diogo Jota, Luis Diaz, Divock Origi.

Ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 21 jirka: Curtis Jones, Harvey Elliott, Rhys Williams, Kaide Gordon, Owen Beck, Leighton Clarkson, Tyler Morton, Conor Bradley.

Xasuusin: Ciyaartoyda ay ku hor qoran tahay (HG) waa kuwa kasoo baxay kulliyadda dalka u dhashay ee soo gelaya liiska toddobada laacib ee uu sharcigu dhigayo inay ku jiraan liiska.

 

Leave a Reply