Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyga & Waxa Ay Wargeysyada Yurub Ka Qoreen

0
310

Manchester City ayaa samayn doonta waxkasta oo ay awoodo si ay ula saxeexato weeraryahan Erling Braut Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan inkasta oo ay og yihiin inuu doorbidayo Real Madrid. (Athletic, subscription required)

Haaland ayaa la sheegayaa in aanu ku jirin qorshaha Real Madrid haatan xilli ay kooxdaasi xooga saarayso Kylian Mbappe oo heshiiskiisa PSG xagaaga dhacayo. (El Chiringuito, via AS in Spanish)

Dusan Vlahovic ayaa sheegay inay go’aan fudud ahayd inuu diido Arsenal oo uu ku biiro Juventus suuqii January. (Metro)

Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa liiska xiddigaha uu xagaaga doonayo ka dhigtay Declan Rice oo West Ham ka tirsan, daafaca dhexe ee Sevilla ee Jules Kounde iyo khadka dhexe ee Monaco ee Aurelien Tchouameni. (Athletic, subscription required)

Rice oo diiday inuu heshiis cusub u saxeexo West Ham ayaa bartilmaameed u ah Man City iyo Manchester United.(Telegraph, subscription required)

Ashley Cole ayaa la filayaa inuu shaqaalaha tababarka Everton kula biiro saaxiibkii Frank Lampard oo dhawaan halkaas tababare looga dhigay xilli ay Toffees sidoo kale shaqo ka siinayaan kooxda xiddigoodii hore ee Tim Cahill. (Liverpool Echo)

Manchester United ayaa ciyaartoyda kooxdeeda oo uu kamid yahay Paul Pogba weydiisatay inay dib ugu dhigtaan go’aanada mustaqbalkooda ilaa ay ka magacaabayaan tababare rasmi ah, heshiiska Pogba ayaa xagaaga dhacaya. (ESPN)

Newcastle United dalab 40 Milyan oo pound ah oo ay ka gudbisay Fabian Ruiz ayay Napoli kasoo diiday balse waxa la filayaa inay xiisahooda dib usoo nooleeyaan suuqa xagaaga. Arsenal ayaa sidoo kale la sheegayaa inay xiiso u muujisay. (Corriere dello Sport – in Italian)

Newcastle tababaraheeda Eddie Howe ayaa sidoo kale dib ugu laaban doona doonista daafaca Lille ee Sven Botman kaddib markii ay January waayeen. (Mirror)

Liverpool ayaa ku kalsoon inay heshiis hordhac ah oo ay xagaaga qaab bilaash ah ugula saxeexanayaan la gaadhaan 19 sano jirka Fulham ee Fabio Carvalho oo ay saxeexiisa ka gaadhsiin waayeen maalintii ugu dambaysay suuqa January. (Sky Sports)

West Ham ayaa ku fashilantay dalab xilli dambe ah oo ay ka gudbiyeen weeraryahan Duvan Zapata oo ka tirsan kooxda Atalanta. (Sky Sports)

Barcelona madaxweynaheeda Joan Laporta ayaa sheegay inay aaminsan yihiin inay jirto koox uu Ousmane Dembele heshiis hordhac ah oo uu xagaaga bilaash ugu biirayo lasii gaadhay. (Goal)

Barca ayaa ka fikiraysa inay kansasho heshiiska Dembele kaas oo ka dhigan inay xiisahoodii dib usoo noolayn karaan Chelsea, Tottenham iyo PSG. (Express)

Bryan Gil oo lix bilood kahor heshiis 21 Milyan oo pound ah Sevilla ugaga biiray dhinaca kooxda Sevilla ayay qoyskiisu u sheegeen inuu Spain kusoo laabto waxaana uu lix bilood oo amaah ah ugu biiray Valencia. (Sun)

Tababarihii hore ee xulka Germany ee Joachim Low ayaa heshiis la gaadhay kooxda Turkish-ka ah ee Fenerbahce waxaana uu la wareegi doonaa bilawga xilli ciyaareedka dambe. (Haber Global, in Turkish)

Newcastle United daafaceeda bidix ee Jamal Lewisa ayaa diiday heshiisyo uu kooxo Championship-ka England ka ciyaara ugu biiri karayay maalintii ugu dambaysay suuqa January waxaana haatan la filayaa in laga reebo liiska cusub ee 25-ka ciyaartoy ee Magpies u gudbiyanayaan Premier League. (Football Insider)

 

Leave a Reply