Horumarka Iyo Koritaanka Caqliga

0
294

Xarafyada IQ waxay ka taagan yihiin labada eray ee “intelligence quotient” oo macno ahaan noqonaya “maskax badani”. Waxaana jira imtixaan lagu qiyaaso laguna falanqeeyo maskaxda qofka iyo sida ay suurtagal u tahay inuu fahmo ugana jawaabo weydiimaha degdeg ah.

 

Imtixaankii ugu horeeyay ee ee lagu qiyaasayay IQ waxa laga sameeyay dalka China sida la sheego iyadoo halkaasi lagu fuliyay imtixaan laga qaaday heerka IQ dad isu sharaxay maamulka dalkaasi qarnigii 16aad.

 

Laakiin sida loo qiyaaso ayaa aad u kala duwan waxaana la sheegay inay ku kala duwan tahay jawaabaha qofka uu bixinayo marka uu haraadan yahay, daalan yahay ama murugo, farxad iyo ariimo kale haystaan, kuwaasi oo maskaxdiisa mashquul ku tahay.

Waxa kale oo la sheegay in dadka badankoodu ay yihiin kuwo isku dhow xagga fahamka iyo fikirka laakiin ay ku kala hor maraan dadaalka iyo juhdiga ay bixiyaan.

Leave a Reply