Lacagta Iyo Farxaddu Iskuma Xidhna

0
282

Karl Rebder waxa ka soo jeeda qoys sabool ah oo faro madhan oo dalka Austria ah, waxana uu dhashay sanadkii 1963. Karl waxa uu aad u aaminsanaa in lacagtu ay tahay ta dhalisa farxadda qofkana meel sare gaadhsiisa.

Sidaa darteed waxa uu ku dadaalay inuu sheqeeyo oo lacag badan urursado, ugu danbayntii shaqo adag ka dib waxa uu gaadhay halkii uu ku fekerayay waxaana uu noqday maalqabeen dunida dhisamayaal badan ku leh isla markaana gaadiid aad u badan hantidiisa ay noqotay.

Markaasi ayuu dareemay in lacagtu aanay ahayn farxadda uu raadinayo waxaana uu yidhi “ waxaan moodayay inay lacagtu tahay farxadda, laakiin waxaan ogaaday in aanay taasi jirin. Haddana anigu dhamaan ganacsigayga iyo gaadiidka waxa ka dhigan yihiin sidii inaan ahay nin iyaga u sheqeeya.

Wakhtigaasi ka dibna waxa uu bilaabay inuu noqdo safale , waxaana uu asaasay sanadkii 2009 , hay’ad samafal oo loo bixiyay “MymicroCredit” taasi oo hadafkiisu ahaa yaraynta saboolnimada ka jirta badhtamaha iyo koonfurta America.  Bishii Feberweri sanadkii 2010 ayuu degay guri yar oo uu dhistay waxaana uu ku dhawaaqay inuu ugu deeqi doono hanti ka badnayd 4 milyan oo dooler  cash iyo dhamaan gawaadhidiisa iyo ganacsigiisa barnaajka saboolnimada laga badbaadinayo shacbigaasi.

Warbaahinta  Jarmalka iyo wargeysyo ayaa ku eedaymo culus u so jeediyay aiyagoo sheegaya in hantidiisa uu ku doonayo sumcad xoogan, si uu abuuro ariimo kale oo uu garnayo inuu ka helayo faa’iidooyin badan.

 

 

Leave a Reply