Karim Benzema Oo ka waramay Sannadkii Ugu Fiicnaa Waayihiisa Kubadda Cagta

0
290

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain Karim Benzema ayaa mar kale dabbaal-degaya toddobaadkan kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta Ururka Saxafiyiinta ciyaaraha ee Madrid.

Emiliano Butragueno ayaa abaal-marintan u guddoomay laacibka reer France, waxaana Salaasadii shalay uu kusoo bandhigay gudaha garoonka tababarka ee Valdebebas, isaga oo sannadka dhamaadayna ku sheegay midkii ugu wanaagsanaa waayihiisa ciyaareed.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku guuleysto abaal-marintan, Waxa uu ahaa sannadkii iigu wanaagsanaa  sababta oo ah waxa aan dhaliyey goolal badan, waxaanan caawiyey goolal kale, kooxdayda ayaan ka caawiyey inay guuleysato

Hafka kooxda Real Madrid waa in ay ku guuleysato koobabka oo dhan iyo tartan kasta. Si fiican ayaanu u shaqaynaynaa, dhamaan tartamadana waanu ku jirnaa, waanu shaqaynaynaa, dagaalkana waanu sii wadaynaa si aanu koobab ugu guuleysano sannadkan’’  Ayuu yidhi Benzema oo la hadlayay telefishanka kooxdiisa Real Madrid.

 

Xilli ciyaareedkan socda ee 2021/22, Karim Benzema  ayaa dhaliyey 24 gool 28 ciyarood oo dhamaan tartamada  ah, waxaanu caawiyey sagaal gool oo kale oo ay dhaliyeen ciyaartoyda kooxdiisu.

17 ka mid ah goolashiisa iyo toddoba ka mid ah caawinta uu sameeyey waxay ahaayeen horyaalka LaLiga Santander, waana sababta ay kooxdu ugu fadhido hoggaanka  horyaalka.

 

 

 

 

Leave a Reply