Xuquuqda Dadka Iska Ilaali!

0
309

Hooyadii aad ayuu xanaanayn jiray si fiicana wuu uga war hayay, isagoo gabadhiisana aad ugu balamiyay madaama ay gurigiisa kula nooshahay.

Gabadhiisa ayaa iyana si wanaagsan u daryeeli  jirtay Soddohda ninkeeda dhashay, raashinka si fiican ayay u siin jirtay.  Wiilkeeda ayaa maalin ay hooyadii soo jeeday goor duhur usoo galay si uu waraysto baahideeda.

Hooyadii markiiba waxay tidhi “hooyo waxaan u baahanahay Hilib”. Ninkii isagoo aad u caddhaysan ayaa ka soo baxay qolka hooyadii oo u yimi gabadhiisa, waxaana uu ku yidhi “ Maxaad hilibka u siin weyday qabyteeda maalin kasta ?”.

Gabadhiisa ayaa iyana u sheegtay inay maalin kasta hilibkeeda u geyso, laakiin markii ay is  tidhaa sii uu shimbir aanay garanayan meel uu ka yimii boobayo hilibkii , xataa haddii ay dabool saarto u khasab kaga qaadayo oo aanay garanayan wax u sheegay.

Ninkii oo yaaban ayaa maalintii danbe sugay gabadhiisa markii ay hilbka siin lahayd ayuu shimbirkii usoo dhowaaday oo hilibkii u boobay oo la tegay isagoo ninkiina arkaya. Yaab. Hooyadii ayuu u galay oo arinka u sheegay. Markiiba hooyadii way waxay bilwoday oohin waxayna xusuusatay  arin ay samaysan jirtay.

Waxay ku tidhi :” Wiilkaygiiyow kani waa ciqaab waayo anigu islaantii sodohda ii ahayd ayaan qadin jiray hilibkii ay xaqa u lahayd ee Aabaha yidhi sii iyadoo mar kasta I weydiin jirtay, Anigana waa taasi xaqaygii shimbirka lagu saliday. Way ooday wiilkeeduna wuxu u sheegay inay Allah u toobad keento.  Weliga xaqa qofka kale leeyahay dulmi iyo xadgudub haku qaadan

Leave a Reply