Hooyadii aad ayuu xanaanayn jiray si fiicana wuu uga war hayay, isagoo gabadhiisana aad ugu balamiyay madaama ay gurigiisa kula nooshahay.
Gabadhiisa ayaa iyana si wanaagsan u daryeeli jirtay Soddohda ninkeeda dhashay, raashinka si fiican ayay u siin jirtay. Wiilkeeda ayaa maalin ay hooyadii soo jeeday goor duhur usoo galay si uu waraysto baahideeda.
Hooyadii markiiba waxay tidhi “hooyo waxaan u baahanahay Hilib”. Ninkii isagoo aad u caddhaysan ayaa ka soo baxay qolka hooyadii oo u yimi gabadhiisa, waxaana uu ku yidhi “ Maxaad hilibka u siin weyday qabyteeda maalin kasta ?”.
Gabadhiisa ayaa iyana u sheegtay inay maalin kasta hilibkeeda u geyso, laakiin markii ay is tidhaa sii uu shimbir aanay garanayan meel uu ka yimii boobayo hilibkii , xataa haddii ay dabool saarto u khasab kaga qaadayo oo aanay garanayan wax u sheegay.
Ninkii oo yaaban ayaa maalintii danbe sugay gabadhiisa markii ay hilbka siin lahayd ayuu shimbirkii usoo dhowaaday oo hilibkii u boobay oo la tegay isagoo ninkiina arkaya. Yaab. Hooyadii ayuu u galay oo arinka u sheegay. Markiiba hooyadii way waxay bilwoday oohin waxayna xusuusatay arin ay samaysan jirtay.
Waxay ku tidhi :” Wiilkaygiiyow kani waa ciqaab waayo anigu islaantii sodohda ii ahayd ayaan qadin jiray hilibkii ay xaqa u lahayd ee Aabaha yidhi sii iyadoo mar kasta I weydiin jirtay, Anigana waa taasi xaqaygii shimbirka lagu saliday. Way ooday wiilkeeduna wuxu u sheegay inay Allah u toobad keento. Weliga xaqa qofka kale leeyahay dulmi iyo xadgudub haku qaadan