Arsenal oo Bixinaysa Mushaharka Aubameyang, Xataa Iyadoo Heshiiskiisa Burburisay

0
272

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa bixin doonta mushaharka xiddiga ay heshiiskiisa burburisay ee sida rasmiga ah ugu biiray Barcelona, illaa inta uu dhamaanayo xilli ciyaareedkan socda.

Pierre-Emerick Aubameyang Isniintii ka degay Barcelona waxaanu u saxeexay heshiis saddex sannadood iyo badh ah, iyadoo ay Arsenal ku heshiiyeen in qandaraaskiisa la burburiyo.

Weeraryahanka reer Gabon ayaa la sheegay in uu magdhow ahaan uga qaadanayo Arsenal lacag gaadhaysa 7 milyan oo Gini maadaama heshiiskiisa la burburiyey, laakiin waxa haddana soo baxday sheeko kale oo cajiib ah oo ah in mushaharkiisii badnaa ay Arsenal bixin doonto ilaa inta ka hadhay dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wariyaha wargeyska The Athletic ee David Ornstein ayaa u sheegay telefishanka Sky Sports, in Arsenal ay illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan socda ay bixin doonto mushaharka laacibkan, laakiin lacagtan la siinayo ayaan ahayn mushahar toos ah.

“Waa sidii dhacday markii uu Mesut Ozil ka tegay Arsenal sannado ka hor oo kale, waxaanay mushahaharkiisa bixinayeen in muddo ah isaga oo jooga Fenerbahce.” Ayuu yidhi Divid Orstein.

Warbaahinta kale ee Ingiriiska ayaa iyaguna sheegaya, in lacagta ay Arsenal bixinayso ay tahay kaliya lacagta toddoba milyan ee magdhowga ah oo inta ka hadhsan xilli ciyaareedkan marba qayb ay Arsenal.

Heshiiska Aubameyang ee Arsenal ayaa soconayay illaa sannadka 2023, waxaana hadda u badbaadaya £25 milyan oo Gini oo uu laacibkani mushahar u qaadan lahaa haddii uu dhamaysan lahaa heshiiskiisa.

 

Leave a Reply