Aubameyang oo Ballan-qaad u Sameeyay Taageerayaasha Barcelona

0
295

Pierre-Emerick Aubameyang oo ka hadlaya shirkiisii ugu horeeyay isaga oo xiddig Barcelona ah ayuu yidhi”Waxa aan u doonayay in aan ku biiro Barcelona waana ku faraxsanahay in aan ugu dambayn imid”.

“Maalintii saxiixu wuxuu ahaa maalin aad u dheer, waxaan saxiixnay labo daqiiqo ka hor dhamaadka suuqa, waxay ahayd arin xamaasad leh laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay waxa ay ahayd riyadayda”.

“Waxa aan rajaynayaa in aan caawiyo kooxda waliba aan u dhaliyo gooal badan kooxdan weyn”.

“Barcelona waa in ay ku guulaysato champions league waxana aan halkan u imid in aan arintaas ka caawiyo kooxda”.

“Waxa aan isku dayi doonaa in aan tartanka ka qayb galno sanadka dambe isla markaas ku guulaysano”

 

Leave a Reply