UNESCO: Adduunku Wuxuu ku Guul Daraystay in Carruurtu Waxbarasho Tayo leh Hesho

0
250

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay 20-kii January, 2022 ayaa lagu sheegay in dunidu ay ku guul darraysatay in ay hubiso in marka la gaadho 2030ka dhammaan carruurta ay helayaan “waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay oo loo siman yahay iyo fursado waxbarasho oo nolosha oo dhan ah.”

Tilmaamayaasha loo adeegsaday in lagu go’aamiyo guusha waddan ee waxbarasho loo dhan yahay waxaa ka mid ah: xaadiritaanka waxbarashada carruurnimada hore; heerarka ka-tagidda; heerarka dhamaystirka; farqiga jinsiga ee heerarka dhamaystirka; heerka aqoonta ugu yar ee akhriska iyo xisaabta; macalimiin tababaran; iyo kharashka waxbarashada dadweynaha.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Sayniska,Dhaqanka iyo Waxbarashada, ama UNESCO, ayaa sheegtay in dalalku ay horeba u fashilmeen carruurtooda “xitaa ka hor intaanay ku xisaabtamin cawaaqibka ka dhalan kara COVID-19 ee horumarinta waxbarashada.”

Guuldaradaasi “waxay baaq toos ah u tahay hogaamiyayaasha aduunka,” ayaa lagu yidhi warbixinta UNESCO, “maadaama malaayiin caruur ah ay sii wadi doonaan inay waayaan iskuulada iyo waxbarashada tayada sare leh.

Halbeegyada waxbarashadu waxay ku jiraan Hadafka Horumarinta Joogtada ah ee 4 – mid ka mid ah 17 gool ee la dejiyay 2015 Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Hadafyada waxaa loogu talagalay in la gaadho 2030.

 

 

 

 

Leave a Reply