Madaxweyne Laabtaada ku hayso !Q.Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

0
727
Soomaalidii hore waxay ku maahmaahi jirtay “Gaal dil, gartiisana sii..!
Waxaan maalmahan arkaayay dad kala duwan oo ay ku jiraan Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Siyaasiyiin kale oo codsanaya in Madaxweyne Muuse uu la wadaago wixii uu kala kulmay safarkii uu dhawaan ku tagay Dalka Itoobiya ee ay ku kulmeen Raiisal Wasaare Abiy Ahmed.
Waxa aynu hore u ogayn in safarkii kan ka horreeyay ee Madaxweyne Muuse ku tagay Itoobiya oo si furan ula wadaagay Madaxda Xisbiyada iyo Shir-guddoonka labada gole oo si fiican uu ugu sharraxay wixii ay ka wada hadleen Itoobiya.
Maxaa hadaba dhacay ?
Halkii ay waajibka ka ahayd in Siraha Qaranka la qariyo oo ay xafidnaato wixii ay Madaxda Dalku ku wada hadleen, ayaa Madaxda Xisbiyada qaarkood ay maxfalada iyo xafladaha kaga sheekeeyeen warbixintii sirta Qaranka ahayd ee Madaxweynuhu uu ku aaminay ee ay ahayd in iyaga oo keliya ay ku koobnaato.
Wuu haglaystay, Abiy Ahmed wuu ka soo baqday iyo erayo nusqaan Qaranka ku ah ayaa Madaxda Xisbiyada Qaarkood meel kasta isla soo taageen iyaga oo Madaxweynaha dhaliil uga dhigaya.
Bal hadaba sidee ayay maanta u odhan karaan Madaxweynuhu hanala wadaago xogaha safarkii uu ku tagay Itoobiya iyaga oo og wixii ay hore u sameeyeen. Ma waxay doonayaan inuu hadana u warramo ka dibna ay suuqyada iyo xafladaha kaga sheekeeyaan?
Run ahaan waxaan odhan lahaa Madaxweyne laabtaada ku hayso oo cidna hala wadaagin kulamadaada, maadaama suuqa loola ordayo oo weliba dacaayad laga dhigayo.
Waxaa kale oo Muhiim in Shacbiga reer Somaliland uu ogaado in Madaxweynahu uu masuul ka yahay Qaranka inta uu xilka hayo, wixii hawl ah ee uu qabanayana isaga loo doortay oo aanuu ku qasbanayn inuu cid kasta la wadaago.
Ugu danbayn waxaan aaminsanahay in aynu ka weynaano oo ka korno in wax kasta oo Xukuumadu qabato aynu shaaricyada kaga sheekayno, waxaana loo baahan yahay in aynu ku aamino cidii masuuliyad loo dirtay.
Allow Eex ma tiraabine, Aqoon ha igu cadaabin.
W/Q: Ambasadoor Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Wasiir/Danjire hore JSL

Leave a Reply