1,500 carruur ah oo ay qorteen fallaagada Xuutiyiinta ayaa lagu dilay dagaalka Yemen – Qaramada Midoobay

0
313

Ku dhowaad ​​1,500 oo caruur ah oo ay qorteen fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhintay dagaalkii sanadkii 2020, iyo boqolaal kale oo ku dhintay sanadkii xigay, sidaa waxa sheegtay Qaramada Midoobay.

Warbixin ay siiyeen golaha ammaanka, ayay khubaradu ku sheegeen in fallaagada ay weli askareeyaan carruurta, iyaga oo isticmaalaya xeryo wakhtiga xagaaga iyo masaajido si ay u faafiyaan fikradahooda.

Waxa ay intaa ku dareen in duqeymaha cirka ah ee ay ciidamada uu Sacuudigu hoggaamiyo ku hayaan fallaagada ay weli waxyeello soo gaadhayso dad badan oo rayid ah.

In ka badan 10,000 oo carruur ah ayaa lagu dilay dagaalka billowday 2015-kii.

Tobanaan kun oo qof oo waaweyn ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalka tooska ah, iyada oo malaayiin qof ay ku barakaceen oo qarka u saaran yihiin macaluul.

Warbixinta oo ka kooban 300 bog ayay guddigu ku sheegeen inay heleen liiska 1,406 carruur ah oo ay Xuutiyiintu qorteen oo ku dhintay goobaha dagaalka sannadihii 2020 iyo 562 oo dhintay intii u dhaxaysay bilihii January iyo May ee sannadka xigay.

Sida ay Wakaaladda wararka ee Associated Press ka soo xigatay guddiga khubarada ah oo ka kooban afar xubnood, Carruurta waxaa la faraa in ay ku qeyliyaan hal-ku-dhegga Xuuthiyiinta ee ah dhimashada Maraykanka, dhimashada Israa’iil, habaar yuhuudda iyo  guul Islaamka ah”.

“Hal xero, carruurta da’doodu ka yar tahay toddobo sano ayaa lagu baraa nadiifinta hubka iyo inay ka baxsadaan gantaallada.”

Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada “inay ka fogaadaan isticmaalka dugsiyada, xeryaha xagaaga iyo masaajidda si ay u askareeyaan carruurta” waxayna ku talisay cunaqabatayn cid kasta oo iska dhega tirta.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in fallaagada, oo gacanta ku haysa caasimadda Sanca, ay adeegsanayeen shabakad isku dhafan oo caalami ah taas oo u suura gelisa in ay helaan nidaamkooda hubka si ay uga gudbaan cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay.

“Dhammaan ciidamada militariga iyo kuwa maleeshiyaadka ee daacadda u ah mas’uuliyiinta Xuutiyiinta waxay hoos yimaadaan nidaamkan,” ayay raacisay.

Waxaa sare u kacay dagaalka ka dib weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ku qaadeen xulafada dowladda Imaaraadka Carabta laba todobaad ka hor.

21kii January weerar cirka ah oo lagu qaaday xarun dadka lagu hayo oo ku taal waqooyiga-galbeed ee Xuutiyiinta ee Saca ayaa lagu dilay in ka badan 70 qof, taas oo keentay in Qaramada Midoobay iyo Maraykankau ay ku baaqaan in la joojiyo xiisadda.

Leave a Reply