Dhallinyaro reer Japan ah oo dacweeyey Wershadii Nukliyeerka ee Fukushima

0
389

Lix dhallinyaro ah oo reer Japan ah ayaa dacwaynaya hawl-wadeenka warshadda Nukliyeerka ee Fukushima ka dib markii ay qaadeen kansarka qanjirka thyroid sannadihii ka dambeeyay musiibadii nukliyeerka ee 2011 awgeed.

Dacwoodayaasha oo da’doodu u dhaxaysay lix ilaa 16 jir wakhtiga ay musiibadu dhacaysay ayaa sheegay in ay kansar ka qaadeen shucaac soo gaadhay.

Dhammaantood waxa lagu sameeyay qalliin lagaga saaray qaybo ama dhammaan qanjidhada tayroodhkooda, ayuu yidhi qareenkooda.

Inkasta oo uu weli jiro muran ku saabsan inay dhibaato kala kulmayaan inay  caddeeyaan in shucaaca u horseeday kansarkooda.

Dacwadoodu waxay dalbanaysaa $5.4m (£4m) oo magdhow ah oo ay ka helaan hawlwadeenka warshada ee Tokyo Electric Power Company (Tepco).

Afhayeen u hadlay Tepco ayaa sheegay in shirkaddu ay ka warqabto gudbinta dacwadda ayna wax ka qaban doonto marka ay arkaan tafaasiisha dacwada.

Masiibada Nukliyeerka ee Fukushima ayaa dhacday March 11, 2011 markii dhulgariir aad u weyn oo ka dhacay waqooyi bari Japan uu kiciyay tsunami taas oo keentay inay dhalaalo nukliyeerku.

Waxay ahayd dhacdadii ugu xumayd ee nukliyeerka tan iyo 1986 musiibadii Chernobyl ee Ukraine, laakiin waxaa loo tixgeliyey inay aad uga yar tahay waxyeelada dadka maxalliga ah sababta oo ah tiro aad u yar oo iodine radioaktive ah ayaa la sii daayay.

Si kastaba ha ahaatee, saamaynta muddada-dheer ee shucaaca ayaa ah arrin laga doodo.

Guddi khubaro ah oo ka socday Qaramada Midoobay ayaa sanadkii hore soo gabagabeeyay in musiibadu aanay dadka u horseedi doonin dhibaato caafimaad oo toos ah. Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee 2013 ayaa iyadana lagu sheegay in masiibadu aanay sababi doonin korodh la arki karo oo ah heerka kansarka ee gobolka.

Laakiin 2018, dawladda Japan ayaa ku dhawaaqday in hal shaqaale ah uu dhintay ka dib markii uu ku dhacay shucaac waxayna ogolaatay in qoyskiisa magdhow la siiyo.

Si kastaba ha ahaatee, dacwoodayaasha kiiskan cusub ayaa sheegaya inay suurtogal tahay in kansarku uu ka dhashay soo-gaadhista. Mid ka mid ah dacwoodayaasha – hadda da’doodu u dhaxayso toddoba iyo 27 – ma lahayn wax taariikh qoys ah oo kansarka qanjirka thyroid ah.

Qareen Kenichi Ido ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP “Qaar ka mid ah dacwoodayaasha waxaa ku adkaatay inay u gudbaan waxbarashada sare iyo inay helaan shaqooyin, waxayna xitaa ka quusteen riyadooda mustaqbalka”.

Kiisku wuxuu soo jiitay dano qaran oo muhiim ah. Inkasta oo si rasmi ah loo akhriyay, dad badan oo laga soo daadgureeyay Fukushima ayaa wali ka walaacsan aagga. waxayna diideen inay ku laabtaan guryahoodii in ka badan toban sano ka dib musiibada.

Leave a Reply