Honduras oo loo caleema saaray Madaxwaynihii ugu horeeyay ee dumar ah

0
329

Xiomara Castro ayaa loo dhaariyay in ay noqoto haweeneydii ugu horeysay ee madaxweyne ka noqota dalka Honduras, iyada oo ay jiraan qalalaase siyaasadeed oo halis gelinaya qorshaheeda ku aadan qarankan saboolka ah.

Iyada oo ka hadlaysay xafladii caleema saarka, hogaamiyahan garabka bidix ayaa sheegtay inay hogaanka u qabanayso wadan dhulka yaala- laakiin waxay wacad ku martay inay raadin doonto cadaalad bulsho iyo hufnaan.

Ms Castro, oo 62 jir ah, ayaa ballan qaaday in ay wax ka qaban doonto kooxaha awoodda leh ee ka ganacsada daroogada, ayna xorayn doonto sharciyada adag ee ilmo iska soo rididda.

Laakiin ajandeheeda waxa wiiqay khilaaf ka dhex aloosan xisbigeeda Libre (Free)

Ms Castro ninkeeda, Manuel Zelaya, ayaa dalkaasi xukumayay 2006 ilaa 2009, ka dib intaan afgambi xukunka lagaga tuurin.  sannadihii ka danbeeyey Afgenbigii odaygeeda laba jeer ayay u tartantay xilka. Balse doorashadii November ee la soo dhaafay ayey ku guulaysatay.

.

Wixii markaas ka dambeeyay, Ms Castro waxa ay ku raaxaysanaysay mowjadaha togan ee dadweynaha dhexdooda. Imaatinkeedu waxa uu soo afjarayaa 12-kii sano ee uu xisbiga midigta ee wadaniga ahi ka talinayay dalka, kaas oo ay hadheeyeen fadeexado iyo eedaymo musuqmaasuq.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku soo biiray xafladii caleema saarka garoonka qaranka ee caasimadda Tegucigalpa.

“Masiibada dhaqaale ee aan dhaxli doono waa mid aan la arag taariikhda dalkeena,” ayay ku tidhi hadalkeeda, iyada oo muujisay sida loogu baahan yahay in dib u habeyn lagu sameeyo deynta qaranka.

Laakiin waxay ballan qaaday in aanay sii socon doonin bililiqada iyo culayska dhaqaale ee jiilasha dhallinta yar iyo daymaha.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ajnabiga ahaa ee ka qeyb galay caleema saarka – iyada oo sacab aad u weyn ka heshay dadkii isugu soo baxay.

 

Maamulka Biden ayaa rajaynaya in Ms Castro ay la dagaallami doonto musuqmaasuqa, faqriga iyo rabshadaha, dhibaatooyinka muddada dheer soo jiray ee sababaya mowjadaha socdaalka sharci darrada ah ee ka imanaya waddamada Badhtamaha Ameerika una soo hayaamaya Maraykanka.

Madaxweyne ku xigeenka Taiwan William Lai ayaa sidoo kale ku sugnaa xafladda, iyada oo Honduras ay ka mid tahay dalalka tirada yar ee caalamka ee xidhiidhka diblomaasiyadeed la leh Taipei.

Ms Castro ayaa bedeshay madaxweynaha xilka ka degaya Juan Orlando Hernández, kaas oo lagu eedeeyay in uu xidhiidh la leeyahay ka ganacsiga daroogada ka dib markii walaalkiis lagu xidhay ka ganacsiga daroogada ee Maraykanka – taas uu marar badan beeniyay.

Xakamaynta madaxweynaha waxaa dulsaaray iyada oo door biday hogaamiyaha congress-ka, Luis Redondo.

Balse waxay xilka la wareegtaa iyada oo uu khilaaf kala dhexeeyo dad mucaarad ku ah xisbigeeda.

Ms Castro ayaa heshiis la gaadhay musharrax kale oo lagu magacaabo Salvador Nasralla, kaas oo ka tanaasulay tartanka si uu u xoojiyo fursadaha guusha.

Taa bedelkeeda, Ms Castro waxay ballan qaaday inay taageerto Mr Redondo, oo ka tirsan xisbiga Mr Nasralla, inuu noqdo hoggaamiyaha Aqalka Congress-ka. Laakiin koox xildhibaano oo ka tirsan xisbigeeda ayaa ka gadooday musharaxa la soo jeediyay, waxayna la safteen xisbiga waddani si ay ugu codeeyaan xubin ka mid ah xubnihiisa inuu hogaamiyo Congress-ka.

Natiijo ahaan, musharrixiinta la tartameysay ayaa mid kastaa ku dhawaaqay inuu yahay madaxa Congress-ka – ismari waagaasna wuxuu keeni karaa curyaanimo sharciyeed.

 

Leave a Reply