Hindiya: Lo’da aan ciddi dhaqan ee laga barakaysto oo dhibaato ku haysa dadka?

0
351

Ram Raj ayaa shaah ku cabbayey gurigiisa oo ku yaalla gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya fiidnimadii bishii November ee sanadkii hore waxa soo weeraray sac baadi ah.

Dhawrkii daqiiqo ee xigay, carruurtii uu awoowaha u ahaa odayga saca uu weeraray ayaa qayliyay maadaamaa ay daawanayeen argagaxa sida uu saca u dilayo. Ninkan beeraleyda oo 55 jir ah ayaa u dhintay dhaawac culus oo uu soo gaadhsiiyey Sacu waxaanu dhintay intii loo sii waday isbitaalka.

Weerarrada noocaasi ah ayaa ah mid si joogta uga dhaca dalka Hindiya oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan dunida. Dhibaatooyinka iyo weerarrada ay lo’da geystaanna waxaa sababay tirada lo’da gobolka Uttar Paradesh ku nool maadaamaa la joojiyey lo’da gobolkaasi in la qalo.

Haddaba doorashada lagu wado codbixinteeda inay billaabato 10-ka February, hadal haynta ugu weyn ee ay musharrixiintu hadal hayaan waxay noqotay arrinta lo’da.

Dadka aaminsan diinta Hinduuga waxay lo’da u arkaan wax la barakeysto, balse dad badan oo beeraley ah ayaa lo’da gaboowday geeya kawaannada lagu qalo.

Wakhtigan lo’da caaneheedii dadku way diideen, Lo’da gabowdayna Beer falida uma qalanto, sidoo kale in la qalona waa la diiday sidaa wageed dhibaato ayaa dadkii haysata, sid ay sheegtay Shiv Pujan oo ka mid ah beeraleyda paddy.

Balse Ra’isal wasaare Narendra Modi ee xisbiga BJP ee hoggaamiyo dowladda Hindiya waxay si aad ah ula dagaallantay gowraca lo’da iyada oo fulinaysa rabitaanka garabka midig ee Hinduuga. Sharci lagu mamnuucayo gawraca ayaa ka dhaqan galay 18 gobol oo uu ku jiro gobolka Uttar Paradesh.

Yogi Adityanath, ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan xisbiga BJP ayaa albaabbada isugu dhuftay goobaha sharci darrada ah ee lo’da lagu qalo markii uu xilkaasi qabtay 2017-kii iyada oo xoola qalidda uu ahaa ganacsi muhiim ka ah Uttar Paradesh wuxuuna lo’da la qalayey uu ku beddelay lo’da loo yaqaano gisida.

Ganacsatada lo’da, qaar badan oo ka mid ah sida Muslimiin waxaa dilay kooxaha garabka midig ee maxaliga ah oo xidhiidhka la leh xisbiga tallada Hindiya haya ee BJP.

Haddaba, qaar badan oo iyaga ka mid ah way ka quusteen ganacsigii, iyaga oo ka baqaya inay iibsadaan ama daabulaan lo’da. Beeralaydana hadda waxay si fudud uga tagaan lo’da gaboowday iyo kuwa aan wax-soo-saarka lahayn.

Hadda ma jirto cid lo’da iibsaneyso ama iibinaysa. Sidaa awgeed dadka ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolka Uttar Paredsh waxay sheegayaan in lo’da tirada badan ee qalliinka laga daayey ee gobolkaasi ku dhaqan markii ay gaajoodeen ay billaabeen inay dadku weeraraan ama ay baab’iyaan dalagyada beeraha ee gobolkaasi.

Mid ka mid ah lo’da noocaasi ah ayaa soo gashay barxadda guriga Ram Raj, markii ay isaga iyo qoyskiisa ay baqeen oo ay qeylo billaabeen, ayey weerartay.

Pujan laftiisa waxa dhawaan weeraray sac duur joog noqday xilli uu beertiisa soo galay oo isku dayayey inuu beerta ka cesho.

“Laba sac ayay ahaayeen markii ay dhulka igu rideen ayaan ka cararay oo nafteyda la baxsaday” ayuu tidhi.

Lo’ada tirada badan ee aanay jirin cid dhaqaneysa waxay baabiyaan dalaga, shilalka waddooyinka ka dhacana way sababaan dadkana way dilaan.

“Wiilkaygu hadda waa agoon sababta oo ah lo’da baahan ee wareegaysa ayaa aabbihii dishay.” ayey tidhi haweeney seygeeda uu ka dilay sac weerar ku soo qaaday.

Bhupendra Dubey oo 36 jir ah sac weyraxay ayaa dilay, xilli uu tuuldiisa dib ugu soo noqonayey kaddib markii uu shaqa la’aan noqday 2020-kii xilligi uu socda mowjaddii kowaad ee cudurka safmarka ee Covid-19.

Axsaabta mucaaradka ayaa arrintan ka dhigay ajandahooda siyaasadeed ee ugu weyn gobolka Uttar Paradesh, oo ah gobol dadka ku nool intooda badan ay yihiin reer miyi, halkaas oo beeralayduna yihiin kuwa ugu muhiimsan codbixiyeyaasha gobolkaasi.

Afhayeenka xisbiga BJP ee gobolkaasi Sameer Singh wuxuu sheegay: “Dowladda inay diyaarisay siyaasad ay ku wajaheyso dhibaatada gobolkaasi ka taagan”.

Adityanath wuxuu sheegay dowladda inay u qoondeysay malaayiin rubbee oo lacagta dalkaasi ah si ay hoy lagu hayo lo’daasi ay ugu dhisto. Dowladduna si ay dhaqaalihi ay mashruuca ay xerooyinka lo’da lagu hayo ay ugu dhisi lahayd ay u hesho waxay canshuur dheeraad ah ku soo rogtay khamriga.

Balse arrimahaasi oo dhan ma xallin dhibaatadi jirtay. Xero ay dowladda maamusho oo laga dhisay degmada Ayodhya oo ay booqatay wariye ka tirsan BBC Hindi waxay sheegtay inay ku aragtay lo’ tiro badan oo xeradaasi lagu hayo.

“200 oo neef oo lo’ ah ayaa xeradan ku nool waa tirada ugu badan oo aan halkan ku hayn karno. 700-1000 neef oo lo’ ah ayaa hoy la’aan ah oo u baahan xerooyin lagu hayo” ayuu tidhi Shatrughan Tiwari.

Beeraley badan hadh iyo habeen waxay beerahooda ka ilaaliyaan lo’da wareegta ee ay jirin cid dhaqaneysa.

Waxayna sameysteen koox beeraha ilaaisa iyaga oo aan mugdiga, qabowga iyo masaska aan ka baqin.

“Waxaan dad tiro ah oo tuulada iska soo urursaday oo beerta ilaaliya. Habeenkina koox ayaa howl gasha maalintina koox kale” ayuu tidhi Bimla Kumari oo ah beeraley ay da’diisu tahay 64 jir.

Sida Dina Nath, ayaa sheegaya inay arrinkan ku soo daaleen, ayna ka fiirsanayaan inay qaadacayaan doorashada iyo inkale.

Waxa Turjumay :Xasan Xuseen

 

Leave a Reply