Lacazette oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy ee Arsenal ka Beddeli Doona Kabtanimada

0
401

Alexandre Lacazette ayaa sii ahaan doona kabtanka Arsenal illaa dhamaadka xilli ciyaareedka, laakiin waxa uu Mikel Arteta u baahan yahay in uu diyaarsado beddelkiisa marka la gaadho bisha June ee dhamaadka xilli ciyaareedka.

Weeraryahanka reer France ayaa uu qandaraaskiisa Arsenal ku egyahay xagaagan foodda inagu soo haya, waxaanu ka tegi doonaa Etihad Stadium maadaama uu iska diiday inuu heshiiska kordhiyo, waxaana lala xidhiidhinayaa in uu dib ugu laabanayo waddankiisa.

Alexandre Lacazette ayay wararku sheegayaan in uu tegi doono kooxda Lyon ee uu hore ugu ciyaari jiray, taas oo ka dhigan in uu bixin doono calaamadda kabtanimada ee uu ka dhaxlay saaxiibkii Pierre-Emerick Aubameyang oo laga qaaday bishii December ka hor intii aanu laacibkaasi si xor ah ugu wareegin Barcelona.

30 jirkan ayaa waxa uu sii magacaabay afar ciyaartoy oo ah murashaxiinta ka  beddeli doona kabtanimada ee sii hoggaamin doona Arsenal marka uu isagu ka tago, waxaanu yidhi: “Gabriel, waa mid weyn oo muuqda oo hoggaamiya difaaca, marka uu Ingiriisida si fiican u bartana waxa uu noqon doonaa mid saamayn badan leh.

“Ben White ayaa aad u aamusan, laakiin sida uu u ciyaaro ayaa ka dhigaysa hoggaamiye fiican. Sambi Lokonga ayaa horeba usoo noqday kabtan, mana adka in aan ku sheego kabtan fiican.

“Kieran waa sidoo kale, sababtoo ah horeba wuxuu kabtan ugu soo noqday xulka qarankiisa, markaa wax aaad arki karaysaa kabtano mustaqbalka ah ama hoggaamiyeyaal

Leave a Reply