Ingiriiska oo Shuruud ku Xidhay Ka Doodista Aqoonsiga JSL

0
512

Hargeysa (Dawan) Dawladda Ingiriiska, ayaa ka soo jawaabtay codsi ay u gudbiyeen muwaadiniin reer Somaliland ah, kuwaas oo ku codsanayey in Somaliland aqoonsi ka hesho dawladda Boqortooyada Ingiriiska.

In ka badan 10 kun oo qof oo reer Somaliland ah oo saxeexay dalab (Petition) lagu doonayey aqoonsi ay hesho Somaliland, ayaa waxa ka soo jawaabtay xafiiska arrimaha dibedda iyo Barwaaqo sooranka ee Ingiriiska, waxaanay sheegeen in ay qiimeeyeen codsiga loo soo gudbiyey ee lagu dalbanayey aqoonsiga Somaliland, waxaanay sheegeen in ay Somaliland ula macaamilaan si toos ah oo uu ka dhexeeyo xidhiidh wanaagsani, balse aanay u aqoonsan weli dal madax bannaan.

Xafiiska Foreign Commonwealth Office (FCO), waxa uu ka dhawaajiyey in loo baahan yahay in Somaliland iyo Somalia sii wadaan wada hadalladooda si ay mustaqbalkooda go’aan uga gaadhaan.

Dawladda Ingiriisku waxa kale oo ay xustay in haddii la helo dad gaadhaya 100.000 oo qof oo reer Somaliland ah oo saxeexa dalab lagu doonayo aqoonsiga Somaliland in markaa la tix gelin doono oo ay dawladda ku cadaadin doonto in dood rasmi ah oo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland laga furi doono Baarlamaanka Ingiriiska.

 

Leave a Reply