Wax Badan ka Ogow Sababta uu Jadon Sancho ugu Dhibaataysan Yahay Man United

0
282

Dietmar Hamann ayaa ku eedeeyay ‘deegaanka welwelka leh’ ee Manchester United inay sabab u tahay qaab ciyaareedka xun ee xiddiga Jadon Sancho.

Xiddiga 72 milyan ugu soo biiray Man United ayaa ku dhibaatoonaya in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo xilli ciyaareedkan.

Inkasta oo ka mid ahaa xiddigaha sida fiican u ciyaaray kulankii ay United bar-baraha 1/1 ah la gashay Burnley hadana xiddiga ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Man United ayaa ku jirta xilli ciyaareed ay dhibaato hadhaysay iyada oo la sheegayo in ay xiddigaha qolka labisku kala qaybsanyihiin.

Hamann ayaana rumaysan in qolka Labiska ee dhibaataysan in ay sabab u tahay in uu Sancho ku dhibaatoodo in uu la qabsado kooxda Man United.

“Waxan u malaynayaa haatan in dhibaatada ka jirta United in ayna caawinayn Sanho”ayuu u sheegay Metro.

“Uma malaynayo in ay jirto aqoonsi lagu garan karo Man United waxana arintaas keentay in uu Sancho ku dhibaatoodo kooxda”

Leave a Reply