Rikoodhka Cajiibka ah ee N’Golo Kante uu ka Dhigay Finalkii Club World Cup

0
492

Mucjisada khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa rikoodh qariib ah looga diiwaangeliyey ciyaartii finalka tartanka naadiyada dunida ee FIFA Club World Cup ee shalay ay ku guuleysatay kooxdiisa Chelsea.

Blues ayaa gool rikoodhe ahaa oo uu waqti dambe u dhaliyey Kai Havertz waxay koobka kaga qaadday kooxda reer Brazil ee Palmeiras.

N’Golo Kante ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyey ciyaartaas, waxaana lagu qoray diiwaanka dadka dhif iyo naadirka ah ee ku suntanaanaya guulaha ee ka ciyaara horyaalka Premier League.

Kubbad-burburiyahan oo sannadkii 2016 horyaalka Premier League kula guuleystay Leicester City ayaa sannadkii xigayna waxa uu horyaalka la qaaday Chelsea, halka uu xulka qaranka Faransiiskana tiir dhexaad u ahaa guushii Koobka Adduunka 2018.

Koobkii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore ay ku guuleysatay Chelsea ayaa uu ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsanaa ee Blues ku hoggaamiyey koobka, iyadoo la xasuusto wacdarihii uu ka dhigay kulamadii semi-finalka ee Real Madrid uu ku burburiyey.

Waxa hubaal ah in N’Golo Kante aanay jirin dad badan oo saluugsan qaab-ciyaareedkiisa iyo dabeecaddiisa, waxaana la isku raacsan yahay inuu yahay ciyaartoyga ugu edebta iyo xishoodka badan leh kubadda cagta.

Markii ay shalay kooxdiisu ku guuleysatay Club World Cup, waxa uu N’Golo Kante ku biiray liis ay saddex ciyaartoy oo kali ahi uga horreeyeen oo uu isagu ku noqday midka afraad.

N’Golo Kante ayaa noqday ciyaartoygii afraad ee taariikhda kubadda cagta ku wada guuleysta Premier League, Champions League, Club World Cup iyo Koobka Adduunka. Ma Jiro ciyaartoy shanaad oo guulahan oo kale gaadhay.

Saddexda ciyaartoy ee kale ayaa ah Gerard Pique, Pedro iyo Thierry Henry oo kooxda Barcelona ku qaaday Champions League, halka labada hore ay sannadkii 2010 Koobka Adduunka kula guuleysteen xulka Brazil iyo Thierry Henry oo sannadkii 1999kii Koobka Adduunka la qaaday Faransiiska.

Gerard Pique waxa uu horyaalka Premier League kula guuleystay Manchester United ka hor  intii aanu Barcelona oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay dib ugu noqon, halka Pedro uu isaguna horyaalka Premier League kula guuleystay Chelsea.

Leave a Reply