Murugada lama Jogteeyo

0
521

Nin xikmad badnaa ayaa saaxiibadii uga sheekeeyay qiso xiiso badan, markii uu dhameeyay ayay dhamaantood wada qosleen. Haddana isla sheekadii ayuu mar kale ku celiyay , markii uu dhameeyay tiro intii hore badhkeed ah ayaa qososhahay. Haddana mar kale ayuu bilaabay sheekaddii oo uu ku soo celiyay ilaa uu dhameeyay, laakiin markan qofna wuu qosli waayay.

Markii ay qosli waayeen ay aa uu ku yidhi :” Maxaad qosolkii u joojiseen iyadoo isla sheekadii ah?”  Markaasi ayay ku jawaabeen : “ waa qiso isku mid ah, waan ka xiiso dhacnay “. Ninkii xakiimka ahaa ayaa ku yidhi “ hadaa maxaad arrin isku mid ah murugadeeda u joogtaysaan, hadaanay arriimo isku mid ah  qosolkooda aydaan joogtaynayn”?

Leave a Reply