Ardayda Dugsiga Hoose ee Nuuradiin oo Bogaadiyey xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan

0
594

Hargeysa-(Dawan):- Ardayda Dugsiga Hoose ee Nuuradiin ayaa shalay ku bogaadiyey Madaxweynaha dalka Taiwan Marwo Tsai Ing-wen qaabilaada wefdigii Somaliland ee booqashada ku tegay caasimada Taipei.

Da’yarta dugsiga hoose ee Nuuradiin, qeybtiisa Xawaadle ee magaalada Hargeysa ayaa kulan ay ku qabteen dugsigooda shalay ku soo bandhigay hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen taageeradooda xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Taiwan.

Ardaydan oo sitay calanka labada wadan, ayaa sidoo kale gacmaha ku hayey warqado ay ku xardhanaayeen halku-dhigyo ay ka mid ahaayeen “Wadajir, waxaan ku gaadhi karnaa himilooyinkeena” iyo “Somaliland iyo Taiwan waa laba dal oo walaalo ah”.

Ardaydan oo da’doodu u dhexeysay 4 jir ilaa 7 jir ayaa iyadoo wejiyadooda ka muuqatay farxad waxay ku dhawaaqayeen magacyada dalalka Somaliland iyo Taiwan.

Talaabada ardayda da’ yarta dugsiga hoose Nuuradiin muujiyey ayaa mudan in lagu amaano Maamulaha guud ee Dugsiyada Nuuradiin, Mahad Ibraahim Maxamed iyo maamulaha dugsiyada hoose Nuuradiin, qeybtiisa Xawaadle Cabdicasiis Xaaji Faarax, sidoo kalena habon inay ku deydaan ardayda dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladda, ardayda jaamacdaha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolada dalka.

 

Leave a Reply