Horyaalka Heerka 1-aad ee Berbera: Kooxaha DP World Berbera iyo B.O.T oo Dhibcaha Qaybsaday Natiijo 0-0 ah

0
248

Horyaalka kooxaha heerka koowaad ee magaalada Berbera oo todobaadkan ka bilaabmay magaaladaas ayaa shalay waxay ciyaar ka mid ahi dhexmartay kooxaha DP World Berbera iyo Berbera Oil Terminal B.O.T.

Ciyaartan oo ahayd mid ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo soo buuxiyay gegada ciyaaraha ee Cabdalle Staduim, kuwaasoo kala taageerayay labada kooxood.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, waxaanay labada kooxood ee DP World Berbera iyo Berbera Oil Terminal weeraryahanadoodu isku dayayeen inay keenaan goolka ugu horeeyo, si ay hogaanka ciyaarta ula wareegaan.

Ugu dambayn ciyaarta ayaa ku idlaatay 0-0 ay qaybtii hore ee ciyaarta isla dhaafi waayeen.

Isku laabashadii qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa sidoo kale ay labada naadiba lasoo galeen dardar ay ka muuqato dardaarankii labada macallin ee labada kooxood kala hogaaminaya, waxaanay ku dhamaatay 0-0 ay DP World iyo B.O.T dhibcaha ku qaybsadeen.

 

 

 

Leave a Reply